WAR-SAXAAFADEED: 20 /09/2016
Hargeysa (SL.Post) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo waxa uu digreeto Madaxweyne oo Summadeedu JSL/M/XERM/249-4264/092016 tahay ku magacaabay Guddida Sare ee Jaamacadda Hargeysa (Board of Trustees for University of Hargeisa) oo ka kooban 11-xubnood. Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu dhaqangeliyey oo uu saxeexay wax ka bedelka iyo kaabista ay Jaamacada Hargeysi ku samaysay xeerka Jaamacada.
Madaxweynuhu:
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda Guddida Sare ee Jaamacadda Hargeysa u leedahay dhismaha Qaranka;
Markuu Ku Qancay: In la beddelo Guddidii hore ee muddada dheer soo shaqaynaysay;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo Magacaabidda Guddida Sare ee Jaamacadda Hargeysa (Board of Trustees for University of Hargeisa);
Wuxuu go’aansaday;
In uu magacaabo Guddida Sare ee Jaamacadda Hargeysa (Board of Trustees for University of Hargeisa) oo ka kooban 11-xubnood oo faahfaahintoodu hoos ku xusan tahay:
- Mudane, Cabdi-samad Cumar Maal Garyaqaanka Guud (Guddoomiyaha Guddida).
- Nafiisa Yuusuf Aw Muxumed Negaad (Guddoomiye Ku-xigeen Guddida).
- Abdillaahi Ibraahin Habane Wasiirka Waxbarashada & Tacliinta Sare.
- Cali Cabdillaahi Daahir Madaxa ICT Commission-ka.
- Liibaan Ismaaciil Maxamuud Guddida Xuquuqal Iinsaanka.
- Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Duqa Caasimadda Hargeysa.
- Dr. Maxamuud Yuusuf Muuse Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa.
- Maxamed Faarax Xirsi Akaadamiga Nabadda iyo Horumarinta.
- Cabdirashiid Maxamed Siciid Ganacsatada.
- Cabdikariin Maxamed Iid Ganacsatada.
- Suldaan Axmed Daahir Muuse Culimada.
Guddidu waxay xilkooda u gudan doonaan si waafaqsan Shuruucda Dalka iyo Xeerka Jaamacadda Hargeysa.
ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.