Madaxweyne Siilaanyo oo Magacaabay Degmooyin Cusub oo ka kala tirsan gobollada Sanaag iyo Saraar

Madaxweyne-axmed-Siilaanyo2Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa digreeto madaxweyne oo uu soo saaray ku magacaabay degmooyin cusub oo ka kala tirsan gobollada Sanaag iyo Saraar.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu degmooyin ka dhigay magaalooyinka Gudmo Biyo-cas oo ka tirsan gobolka Sanaag iyo Ceegaag oo ka tirsan gobolka Buuhoodle, Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Afhayeenka madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul, kaas oo u dhignaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo Sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2501/052014 ku magacaabay laba Degmo oo Cusub.

MADAXWEYNUHU:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad iyo Qodobka 109aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:   Qodobka 10aad ee Xeerka Gobollada iyo Degmooyinka oo tilmaamaya wax-ka-beddelidda Qaab-dhismeedka Dalka;

Markuu Tixgeliyey:         Codsiyada ka yimid Madax-dhaqameedyada, Waxgaradka, Culimada iyo Odayaasha Deegaanka;

Markuu Tixgeliyey:         Baahida loo qabo in Degmooyin loo magacaabo Degmada Gudmo Biyo-cas, iyo Degmada Ceegaag Degmooyin cusub;

Markuu Dhegeystay:     Soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha;

Wuxuu go’aansaday;

1.     In uu Gudmo Biyo-cas u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Sanaag.

2.     In uu Ceegaag u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Saraar.”