Madaxweyne Siilaanyo Oo Madaxweynaha Jabuuti Geele Ku Hanbalyeeyay Guusha Doorashada

Hargeysa(Slpost)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa shacbiga iyo dawladda jabuuti, doorashada sida nabadgelyada ah uga qabsoontay dalkaasi shalay oo Jimce ahayd, isagoo si gaara hambalyadaasi ugu diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane  Ismaaciil Cumar Geelle oo markii Afraad loo doortay hoggaaminta dalkiisa.

 Waxanu madaxweynuhu yidhi “Anigoo ku hadlaya Magacayga, kan dawladda iyo kan shacbiga Somaliland, waxaan madaxweyne, kugu Hambalyeynayaa doorashadii sida nabad-gelyada leh uga dhacday dalka Jabuuti Jimcihii (08/04/2016), waxaanan si gaar ah kaaga tahniyadaynayaa guusha aad ka gaadhay in shacbiga dalka Jabuuti ku doorteen madaxweynaha dalka Jabuuti mar kale.

 Madaxweyne waxaan ku kalsoonahay in horumarka muuqda ee ay Jabuuti ku talaabsatay muddadii aad hogaaminaysay uu sii socon doono, anigoo aaminsan in xidhiidhka ka dhaxeeya labadeena dal uu noqon-doono mid midha dhal ah oo sii xoogaysta.

 Waxaan mar labaad si farxadi ku dheehantahay kugu hambalyeynayaa guusha taariikhiga ah ee aad ka soo hooysay doorashada dalkaaga ka qabsoontay oo ahayd mid taariikhiya.

 Waxanan idiin rajaynayaa Mudane Madaxweyne, adiga, dawladda iyo Shacabka reer Jabuuti ee aanu Walaalaha nahay in aad ku waartaan Barwaaqo, Nabadgelyo iyo Horumar”.

ALLAA MAHAD LEH

 

Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)

         Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.