Madaxweyne Siilaanyo oo Maareeye Cusub u magacaabay Telefishanka Qaranka iyo Maareeyihii hore oo shaqo kale loogu beddelay

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xilkii ka qaaday Maareeyihii Telefishanka Qaranka Khadar Cali Gaas oo dhowrkii sanno ee u dambeeyey soo hayay xilkaas, waxaanu beddelkiisa Maareeyaha Guud ee Telefishanka u magacaabay masuul cusub oo lagu magacaabo Cabdi Cali Mahdi oo ka mid ah Qurbejoogga dalka.
Sida lagu sheegay war-saxafadeed caawa ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka madaxtooyada, Md Siilaanyo waxa uu Maareeyihii hore ee Telefishanka Qaranka Khadar Cali Gaas u magacaabay inuu noqo La-taliyihiisa Gaarka ah ee Warbaahinta.

maareeyaha Warsaxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, ayaa u qornaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3252/042015 uu ku magacaabay Maareeyaha Guud ee Telefishanka Qaranka, isaga oo maareeyihii horena u bedelay, una magacaabay Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Xidhiidhka Warbaahinta.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Arkay: Baahida loo qabo in la magacaabo Maareeyaha Guud ee Telefishanka Qaranka Madaxa Bannaan ee Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Soo jeedimihii iyo talooyinkii mas’uuliyiinta kala duwan; Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday In Mudane, Cabdi Cali Mahdi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Guud ee Telefishanka Qaranka Madaxa Bannaan ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Beddelka Maareeyihii hore iyo magacaabistiisa.

Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Xidhiidhka Warbaahinta; Markuu Arkay: In baahi loo qabo magacaabidda jagadan;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay; Wuxuu go’aansaday In Mudane, Khadar Xasan Cali Gaas, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Xidhiidhka Warbaahinta.”

Xil-ka-qaadista Maareeyihii hore ee telefishanka, ayaa ku soo beegmaysa iyadoo oo khilaaf xooggan oo muddooyinkii u dambeeyey soo-jiitamayey oo u dhexeeyey Maareeyaha iyo Wasiirka Wasaaraddaas Cabdilaahi Maxamed Daahir oo isku maan-dhaafay ku-tagri-falka awoodeed ee maamulka Telefishanka Qaranka oo ka madax-banaan wasaaradda Warfaafinta. Haseyeeshee, xil-ka-qaadista Khadar Cali Gaas ee maanta waxa soo-dedejiyey dhacdo maanta ka dhacday gudaha wasaaradda Warfaafinta, kaddib markii uu Maareeyihii hore Waaran Xadhig ah u soo jaray  Madaxa Wararka ee Telefishanka Qaranka Wariye Abiib Iimaan Xasan oo wasiir Cukuse u magacaabay xilkaas, balse uu ka dhego-adayay shaqo ka fadhiisin uu maareeyuhu ku sameeyey.