Madaxweyne Siilaanyo oo maanta Xadhigga ka jaraya Dugsiga Tabobarka Ciidanka ee Dararweyne iyo Ujeeddada Socdaal uu ugu Kicitimayo Berbera

Dr SiilaanyoHargeysa (SLpost)-Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maalinta Berri ah xadhigga ka jaraya Dugsiga Tababarka Ciidanka Qaranka oo laga hirgeliyay deegaanka Dararweyne ee duleedka Hargeysa, halkaas oo sidoo kale munaasibad wan-qal ah loogu samayn doono derajooyinka dhowaan lagu taxay ciidamada kala duwan ee dalka.

Dugsigan oo lagu qaban doono xaflad aad u ballaadhan waxa ka soo qayb gali doona dhamaan Ciidamadda kala duwan ee dalka, waxana lagu maamuusi doonaa Dufcadii ugu horaysay ee iyaga oo derejooyin haysta tababar la siin doono.

Dugsigan oo in muddo ah dhisnaa waxa Somaliland ka caawisay dawladda Britain, taasoo ugu talo-gashay in ay ka dhigto Akadamiyad Ciidamada Somaliland ku qaataan Koorsooyinka kala duwan ee ay qaataan Ciidamo u abuurana qaab dawladnimo.

Munaasibadda furitaanka dugsiga ka dib, madaxweynuhu waxa uu socdaal ku gaadhi tegi doonaa magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, halkaas oo uu maalinta Berri ah xadhigga kaga jari doono waddooyin cusub iyo mashaariic horumarineed oo dawladda Hoose ka hirgelisay magaaladaas.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net