Madaxweyne Siilaanyo oo maanta soo saaray Digreetooyin Magacaabis masuuliyiin Cusub iyo Xil ka qaadis

Hargeysa, 28 March, 2012 (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta soo saaray digreetooyin uu masuuliyiin cusub ugu magacaabay jagooyin ka bannaanaa hay’adaha Dawladda Qaarkood halka uu Xilka ka qaaday masuul ka tirsan xukuumadda Isla markaana uu ku beddelay masuul ka tirsanaa aqalka Madaxtooyada.

Wasiirka Cusub ee Boosaha iyo Isgaadhsiinta

Warsaxaafadeed ka soo baxay Aqalka madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu uu Wasiir cusub u magacaabay Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta oo uu hore xilka uga qaaday Wasiirkii hore ee wasaaraddaas Axmed Xaashi Oday, waxaanu wasaaraddaas u magacaabay Md. Cali Cilmi Geelle. Madaxweynuhu waxa kale oo uu xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta, oo masuulkii xilka laga qaaday u xidhan yahay eedo musuq-maasuq, u magacaabay Md. Cali Maxamed Cabdulle (Biikolo) oo ka mid ahaa Komishanka Doorashooyinka. Sidoo kale, Madaxweyne Siilaanyo waxa uu Agaasimaha guud ee wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska u magacaabay Md. Abiib Axmed Cali.

Dhanka kale Madaxweyne Siilaanyo waxa uu xilkii ka qaaday Agaasimihii ugu ee Wasaarrada Kalluumaysiga iyo Kheyraadka badda Md. Cabdiraxmaan Cali Xasan, Waxaanu isla markaana xilkaas u magacaabay agaasimihii Xafiiska Protocolka madaxtooyada Maxamed Cilmi Aadan (Ilka-Case).

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu sidoo kale masuul cusub u magacaabay Maareeyaha Madbacadda Qaranka inuu ahaado Cabdilaahi Maxamed Jaamac (Carey) ka dib markii masuulkii xafiiskaas loo magacaabay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha.

SLpost News Desk

Hargeysa, Somaliland