Madaxweyne Siilaanyo oo Maanta safar ku tagay Ethiopia kana hadlay Ujeeddada kulan uu la yeelanayo Raysalwasaare Meles Zenawi

Hargeysa, 06 February, 2012 (SLpost)- Madaxweynaha somaliland ayaa maanta safar hal maalin qaadin doona ku tagay wadanka aynu jaarka nahay ee Ethiopia, waxaana madaxweynaha safarkan ku wehelinayey xubno ka mid ah golihiisa wasiirada oo ka ay mid yihiin wasiirrada Arimaha Debedda, Arrimaha Gudaha, Madaxtooyada iyo Marwada koowaad ee dalka.

Madaxwaynaha somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo intii aanu ka anba bixin garoonka caalamiga ah ee Egal International Airport ee magaaladda hargeysa  ka hadlay ujeefdada safarkiisa ayaa sheegay in safarkani uu salka ku hayo sii xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Ethiopia, waxaanu yidhi, “Maanta waxaanu safar ku tagaynaa wadanka Ethiopia halkaas oo aanu kula kulmi doono Raysalwasaaraha dalka Ethiopia oo ah dal aynu saaxiib nahay oo aynu jaar nahay, kolay markaynu muddo joognana dhaqankeenu waxa uu ahaa inaynu ka wada hadalno arimaha mandaqadda ku soo kordha oo aanu ka wada tashanno wixii dan ah ee labada dal khuseeya, waana safar aanu kaga wada hadli doono wixii danta labada dal ku jirto.

Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu sheegay inuu dib ugu soo noqon doono dalka, balse aanu halkaa ka tagi doonin shirka ka dhacaya wadanka ingiriiska.

Mar la waydiiyey madaxweynaha Somaliland in Raysal wasaaraha Ethiopia ay ka wada hadli doonaan arrinta Khaatumo oo iyada madaxdeedii halkaa ku sugan yihiin waxa uu ku jawaabay,”Xidhiidhka Somaliland iyo Ethiopia waa mid aad u adag oo aad u wanaagsan waana ka aanu hadyo jeer isku arkayno ee aanu ilaalinayno, arrimaha la xidhiidha Cali Khaliif ama cid kale, wixii danta Somaliland ku jirto waanu ka  wada hadli doonaa  dawladda Ethiopia.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu mar kale ugu baaqay bulshada reer Buuhoodle inay yimaadaan gogosha nabada waxaanu yidhi,“”Waxaan jecelahay inaan mar kale ku celiyo oo aan ku  baaqo in Somaliland ay diyaar u tahay inaanay shacbigeeda marna dhibaato soo gaadhin ee ay diyaar u tahay gogoshii aanu waligayo fidinaynay ee aanu walaalahayaga gobolada Bari u fidinaynay aanu u fidino oo aanu wada hadal, wanaag iyo is-afgarad ku dhammayno wixii arrimo ah ee yimaadda nooc kastaba ha ahaadeene, taasina mid aanu ka hadhayno maaha kamana gaabinayno waana mid aanu mar walba diyaar u nahay.””

Madaxweynuhu waxa uu hadalkiisa ku soo xidhay in safarkoodu uu la xidhiidho wada-tashi ay  la soo yeelanayaan wadanka Ethiopia kaas oo uu ku sheegay inuu dhinacyo badan khuseeyo.

Sida la ogyahay waxa muddooyinkii ugu dambeeyey ku sugnaa dalka Ethiopia siyaasiga fidno-wadaha ah ee gobollada Bari ee Somaliland dabka ka holciyey, Cali Khaliif Galleydh, oo kulamo la yeeshay madaxda dalka Ethiopia kuwaas oo sida la sheegay ku cadaadinaya inuu ka laabto mawqifkiisa colaadda ka abuuray gobolka Buuhoodle ee Somaliland.

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net