Madaxweyne Siilaanyo oo Maanta Dadweynaha Berbera Kula Tukaday Salaadii Jimcaha

Berbera (SLPOST) Madaxweyne Siilaanyo Aya Dadweynaha Reer Berbera La Tukaday Salaada Jimcaha iyo Dadweyne Farabadan Oo Kusoo Dhaweeyey Misajidka.

2..

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa maanta waxa uu la tukaday Salaadii Jimcaha Dadweynaha ku nool Magaalada Berbera ee Caasimada Gobolka Saaxil, gaar ahaan masjidka Gobolka ku yaal ee la yidhaahdo Khaalid-Binu Waliid, isaga oo madaxweynuhu salaada ka dib soo dhawayn balaadhan kala kulmay dadweynihii kula tukanaayey masjidka oo soo buux dhaafiyey agagaarka masjidka iyo gaadhigii uu watay madaxweynuhu oo ahaa mid aanay la socon Ciimado balse ay la socdeen uun masuuliyiinta Gobolka heer degmo iyo Heer gobol.

445

sidoo kale waxa madaxweynaha salaada ku wehelinaayey xubno ka mida Golaha wasiirada ee Madaxweynaha ku wehelinaaya safarkiisa shaqo ee uu maalmahanba ku joogay Berbera lana filaayo inuu uga sii Gudbo Gobolada Dalka gaar ahaan Bariga inuu uga sii Gudbo.

Dhinaca Masjidka uu madaxweynuhu kula tukaday shacbiga waxa khudbadii Jimcaha ka akhriyey Sheekh Suleebaan Siciid Cali ahna Isu-duwaha Wasaarada Diinta Awqaafta ee Gobolka Saaxil.

 

e4 2.. 3 445

Xigasho-Horseednews