Madaxweyne Siilaanyo oo la kulmay Taliyaha Guud ee Ciidamada Waddanka Imaaraadka iyo masuuliyiin kale

Abu Dhabi (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland iyo weftigii uu hoggaaminayey oo socdaal shaqo ku jooga waddanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa maanta kulan la yeeshay Dhaxal-sugaha Imaaradda Abu Dhabi ahna Abaanduulaha Ciidamada Qalab-sda ee dalka Imaaraadka Maxamed bin Zayed bin Suldan Al Nahyan oo madaxweynaha iyo weftigii Marti-qaadka u fidiyey iyo Raysalwasaare ku-xigeenka ahna wasiirka madaxtooyada Imaaraadka Sheekh Maansour bin Zayed.

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo madaxweynaha ku wehelinaya safarka ay ku tageen dalka Imaaraadka, ayaa faahfaahin ka bixiyey waxyaabaha lagaga wada-hadlay kulankaas iyo natiijada ay ka filayaan socdaalkooda.

siilanayoSida uu Wasiir Xirsi ku sheegay Qoraal uu caawa ku baahiyey bartiisa Facebook, waxa uu madaxweynuhu kala hadlay dowladda Imaaraadka Carabta kor u qaadista mashaariic wax-qabad oo dowladda Imaaraadku ku taageerto Somaliland.

Qoraalka wasiir Xirsi kaga hadlay kulanka, ayaa u qornaa sidan:- “Weftiga Somaliland oo Imaaradka Carabta Kala hadlay Dardar gelinta Mashaariicdi horay loo balan qaaday iyo Gudbinta kuwo Cusub oo saamayn muuqata ku yeelanaya Bulshada reer Somaliland

“Kulankan ayaa wax badan ka taraya kor u qaadida Muuqaalka Dimplomaasiyadeed iyo Xidhiidhka Ganacsi ee Somaliland

Waxay ahayd maanta kadib markii kulan si sharfan loo soo agaasimay uu ka qabsoomay dalka Imaaradka Carabta, kulankan oo uu Madaweynaha

Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silanyo oo aan ku wehelinayno Xubno kamida golaha Wasiirada JSL uu nagu qaabilay dhaxal sugaha Imaaradka Carabta Mohammed bin Zayed bin Sultan Al Nahyan oo uu wehelinayo Ku xigeenka Ra’isal Wasaaraha dalka ahna Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Mansour bin Zayed bin Sultan bin Zayed bin Khalifa Al Nahyan.

madaxweyahaUjeedada kulankan oo ahayd soo dhawaynta waftiga ka socda Jamhuuriyada Somaliland iyo sidoo kale sidii iskaashi dhaqaale iyo maal-gelin u dhex mari lahaa labada dal ee Imaaradka Carabta iyo Jamhuuriyada Somaliland

Waxaa sidoo kale Waftiga ka socday Jamhuuriyada Somaliland kala hadleen madaxda Imaaraadka Carabta dhamaystirka mashaariicdii hore loogu heshiiyey safarkii hore ee Madaxweynaha JSL uu ku soo gaadhay dalka Imaaradka Carabta iyadoo sidoo kale dalab cusub weftigu u gudbiyey,waxaanay kala ahaayeen mashaariicdii horay loo gudbiyey iyo kuwo lagu darayba sidan hoose :-

1) Horumarinta Biyaha

2) Horumarinta Kaabayaasha dhaqaalaha sida (Dekadaha, Wadooyinka iyo Madaarada)

3) Horumarinta caafimaadka

4)Tayeynta Tamarta korontada oo dalka loo sameeyo tamaraha la cusboonaysiin karo (renewable energy)

5) Kor u qaadida cilaaqaadka iyo xidhiidhka siyaasada ee labad dal

6) Caawimo xaga bin-aadaminimo ee qaxootiga kasoo burqanaya Yemen.

Kulankan ayaa ku dhamaaday guul iyo is af-garad, iyadoo la xusi karo sida milgaha dawladnimo huwan ee weftiga loogu soo dhaweeyay dalkan kulankuna ku billaabmay jawi milgo iyo maamuus mudan

Kulankan ayaa noqonaya mid wax badan ka tari doona xaalada Dimplomasiyadeed iyo dhaqaale ee Jamhuuriyada Somaliland.”

Somalilandpost.net