Madaxweyne Siilaanyo oo la filayo inuu Maalinta Barri ah Safar ugu Kicitimo gobollada Bari ee Dalka

Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa, (SLpost)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa la filayaa inuu Socdaal ugu baqoolo qaar ka tirsan magaalooyinka gobollada Bari ee dalka.

Madaxweyne Siilaanyo

Socdaalka Madaxweynaha oo aan hore loo shaacin, waxa la filayaa inuu maalinta Barri ah safarkiisa ugu kicitimo magaalada Oodweyne ee gobolka Oodweyne iyada oo qaban-qaabo xooggani ka socoto magaaladaas sidii loogu soo dhaweyn lahaa madaxweynaha.

Ile-wareedyo lagu kalsoon yahay oo shabakadda SomalilandPost u xaqiijiyey safarka madaxweynaha ayaa tibaaxaya in safarka madaxweynu salka ku hayo xogogaal u noqoshada xaaladda dadka ku nool gobolladaas.

Warar kale oo aan xaqiiqada jiritaankooda la hubin ayaa sheegaya in madaxweynuhu safarkiisa ku gaadhi doono ilaa gobolka Sanaag, in kasta safarkiisa lagu ekaysiinayo magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco.

Safarka madaxweynaha ee wakhtigan ayaa ku soo beegmaya xilli ay siyaasadda dalku marayso meel xaasaasi ah, isla markaana ay dadweynuhu fasiraadyo kala duwan ka bixinayaan qaabka hoggaaminta siyaasadda cusub ee Xukuumaddani ku hagayso dalka.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net