Madaxweyne Siilaanyo oo kulan soo-dhawayn ah u sameeyey Siyaasiyiin dhowaan u diga-rogtay Xisbiga Kulmiye

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu caawa Qasriga Madaxtooyada Kulan soo dhawayn ah kula yeeshay Masuuliyiintii ka soo diga rogtay Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, kuna soo biiray Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye.

siilaanyo (2)Kulankan uu madaxweynuhu la yeeshay Xubnahaasi ayaa ahaa mid la xidhiidha soo dhawayntii iyo ku biiritaankii Xisbul xaakimka Kulmiye ay ku soo biireen laguna qaabilay Xaflad balaadhan 17/04/2014 kii oo ka dhacday Hotel Maansoor.

Xubnahaasi ayaa Madaxweynaha uga waramay waxyaabaha ay ku doorteen xisbiga Kulmiye iyo Taageerada Xukuumadda oo ay sheegeen in hoggaanka xukuumadu uu ka dhabeeyey barmaamijkii wax-qabad ee ay ummadda u soo bandhigeen markii ay Ololaha ku jireen, waxay sheegeen in xukuumada talada haysa ee uu hogaaminaayo Axmed Maxamed Silaanyo mid fursad u ahayd shacbiga Somalilandna ay helaan horumar muddo gaaban ku yimid oo u hiiliyey guud ahaanba shacbiga Somaliland horumarkii ay ka sugayeen xukuumadan.

Waxaa kale oo ay xubnahaasi xukuumada ku amaaneen siyaasada Arrimaha Dibeda iyo siday u qorshaysay oo dhab ahaantii soo bandhigay rabitaanka iyo doonitaanka madaxbanaanida Somaliland, taasi oo noqotay ta-ay ku go’aan-qaateen in aqoontooda, taageeradooda, iyo wax-tarkoodaba ay la barbar istaagnadaan Xukuumadda Axmed Maxamed Silaanyo uu hogaamiyaha ka yahay iyo Xisbiga Kulmiyeba.

Intaasi ka dib Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, wuxuu uga mahadnaqay sida wadaniyada leh ee ay u qiimeeyeen hawlihii ay xukuumadu u xilsaaranayd waxay ka qabatay.

Waxa uu sheegay Madaxweynuhu in talaabo kasta oo horumara oo dalkeena iyo dadkeena loo qabtaa, inay tahay mid wax ka-taraysa noloshooda, dhaqaalohooda iyo Dawladnimadoodaba.

Isaga oo intaasi ku daray Madaxweynuhu inuu u taagan yahay isaga iyo xukuumadiisuba sidii ay wax ugu soo kordhin lahaayeen dalkan iyo dadkaba.

Ugu danbayntii Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu xubnahaasi ku dhiirigeliyey go’aankaasi ay qaateen ee ay ku soo bireen Xisbiga Kulmiye waxaanu ku soo dhaweeyey inay ka qayb-qaataan horumarkaasi soconaya, midnimo iyo guul ayuu ku soo gabagabeeyey Madaxweynuhu hadalkaasi.

Waxa Madaxweynaha ku wehelinaayey kulanka, Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Gudoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar.

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.