Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ballan-qaaday inuu tallaabo ka qaadi doono haddii ay soo baxaan caddeymo muujinaya in xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirradu ay ku lug lahaayeen kala-qaybsanaantii ka soo if-baxday Guddida Qaban-qaabada Shirweynaha saddexaad ee Xusbiga Kulmiye.
Madaxweyne Siilaanyo waxa kale oo uu daboolka ka qaaday inaanu jirin murashax gaar ah oo shakhsi ahaan uu ku taageerayo hanashada hoggaanka Xisbiga Kulmiye, isaga oo intaas raaciyey inaanay jirin cid ilaa imika u soo ban-baxday murashaxnimada hoggaanka Kulmiye.
Madaxweynuhu waxa uu sidaas ka sheegay Kulan maanta Qasriga madaxtooyada ku dhexmaray isaga iyo Hoggaanka Xisbiga Kulmiye, kaas ku saabsanaa turxaan bixinta iyo xal-u-helidda khilaafka lagu ibo-furay shirweynaha Xisbigaas ee ka soo if-baxay kala-qaybsanaan ka dhex dhalatay guddida Qaban-qaabada shirweynaha Xisbiga oo todobaadkii hore qayb ka mid ahi kulan ay isugu yimaaddeen ku doorteen hoggaan cusub, waxaana tallaabadaasi si adag u cambaareeyey hoggaanka xisbiga oo tallaabadaas ku sifeeyey mid ay ku lug leeyihiin xubno ka tirsan golaha Wasiirrada xukuumadda oo lagu tuhunsan yahay inay af-duubeen 15 ka mid ah 27-ka xubnood ee guddida Qaban-qaabada Shirweynaha.
War-saxaafadeed maanta ka soo baxay Xisbiga Kulmiye, ayaa lagu sheegay in doodo iyo falaqayn laga jeediyey kulankaas ka dib, uu madaxweynuhu halkaas ka caddeeyey in aanay jirin cid gaar ah uu shakhsi ahaan la rabo hanashada hoggaanka xisbiga Kulmiye. “Madaxweynuhu waxa uu caddeeyey in aanay jirin haba yaraatee cid gaar ah oo murrashax xisbiga KULMIYE dhexdiisa ah oo uu wato ama uu taageersan yahay, isla markaana waxa uu qalad ku tilmaamay in wax olole siyaasadeed ah la dhexgeliyo hawsha qabanqaabada shirweynaha xisbiga. Waxa kale oo uu sheegay in aanay hadda jirin cid murrashax ah laakiin ciddii is sharraxaysa ay u furan tahay marka shirweynaha la gaadho inay dhexdiisa iska sharraxdo,” ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka.
“Madaxweynuhu wuxuu kulanka ka sheegay in haddii la keeno caddaymo ka markhaati kacaya in xubno ka tirsan Golaha Wasiirradu ay ku lug leeyihiin eedaymaha olole ee dhaliyey in guddiga qabanqaabadu kala qaybsanto inuu tallaabo ka qaadi doono,” ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka.
SOMALILANDPOST.NET