Madaxweyne Siilaanyo oo Ka Warbixiyey Natiijada Socdaallo Wefti uu hoggaaminayaa Dhowr Waddan ku tageen (SAWIRRO)

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa saaka si balaadhan loogu soo dhaweeyay magaaladda Hargeysa ee caasimadda Somaliland ka dib markii uu socdaal qaatay muddo todobaadyo ah uu ugu maqnaa dalalka Itoobiya, Maraykanka Iyo Ingiriiska.

IMG_0297Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigiisii oo maanta ka soo degay madaarka caalamiga ah ee Cigaal Internatiol Airport Hargeysa, waxa madaarka si balaadhan ugu soo dhaweeyay madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Saylici), shirgudoonka labada gole ee Baarlamaanka Somaliland (Guurtida iyo Wakiiladda) , Golaha Wasiirrada, Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka, iyo dadweyne tiro badan.

 

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo qolka nasashada ee madaarka Hargeysa ugu waramayay saxaafadda ayaa ka warbixiyay socdaalkii uu ku tagay dalalka Ingiriiska, Maraykanka iyo Itoobiya, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaanu ku maqnayn dalalka Ingiriiska, Maraykanka iyo Itoobiya. Muddo dheer ayaanu dalka ka maqnayn. Safarkayaguna wuxuu ku saabsanaa danaha qaranka Somaliland iyo qadiyadiisa, meeshii aanu joognayba waxaanu difaacaynay ama ka dhaadhicinaynay qadiyadeena oo dunida fahamsiinaynay. Waxaanu mar walba u sharxaynay waxa ay qaranimada Somaliland ku fadhido iyo dariiqa dheer ee loo soo maray iyo himilooyinka ay ummaddu leedahay.”

“Dalalka aanu tagnay oo dhan waxaanu kala kulanay soo dhawayn iyo in si aad ah naloo dhegaysto. Waxaanu kala kulanay dad badan oo aad u danaynaya inay Somaliland maal-gashadaan ama ay yimaadaan oo wax la qabsadaan. Taasina waxay noo ahayd guul weyn oo dalkeena iyo ummadeena u soo hoyatay,”ayuu yidhi Mudane Axmed Siilaanyo.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay inaanay dunidu illaa imika ku dhiiran inay aqoonsato Somaliland, hase yeeshee ay dunidu Somaliland ula macaamisho sidii qaran madax banaan, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Dabcan duniddu illaa imika kumay dhiiran, kumanay talaabsan inay Ictiraaf buuxa inoo fidiso, laakiin dunidu way inala dhaqantaa, way inala macaamishaa. Waa taas ina marti-qaadaysa. Waa taas la ina dhegaysanayo, waana taas oo aynu kagala sii dhawaano oo aynu isku xidhnaano oo midnimadeena muujina oo innagoo mid ah dalkeena iyo nabad-gelyadiisa dhisana iyadoo nabad-gelyadu ah waxa ay dunidu mandaqadan aad u qiimayso ah.”

Sidoo kale, waxa halkaasi ka hadlay Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo tafaasiil ka bixiyay kulamadii kala duwanaa ee ay ku soo yeesheen dalalka maraykanka, Ingiriiska iyo Itoobiya.

Wasiirku waxa uu sheegay inay dalka Maraykanka kula kulmeen ku xigeenka arrimaha dibadda, saraakiil ka tirsan wasaaradda difaaca iyo ganacsato kala duwan oo danaynayay inay maalgashi iyo ganacsi ka abuuraan Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET