Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Qaybgalay Aas Heer Qaran Ah Oo Loo Sameeyay Abwaan Cali Sugule

????????????????????????????????????

Hargeysa(SLpost)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu saaka ka qaybgalay Aas qaran oo loo sameeyey Marxuum Abwaan Cali Sugule Cigaal “Duncarbeed” oo maanta si heer qaran ah loogu aasay Caasimada Somaliland ee Hargeysa gaar ahaan Xabaalaha Naaso-hablood.

 

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Subaxnimadii hore ee saaka waxa dalka soo gaadhay maydka marxuum Abwaan Cali Sugule Cigaal “Duncarbeed” oo laga soo qaaday Imaaraadka Carabta halkaasi oo uu ku geeriyooday Marxuumku.

Alle haw naxariistee Markii Maydka laga soo dejiyey Diyaarada waxa hareera joogay una diyaar ahaa cutubyo ka mida Ciimadanka Qaranka Somaliland, marxuumka oo ahaa Abwaan qaran oo dalka iyo dadkaba ka baxay, markii laga soo qaaday maydka marxuumka madaarka Cigaal International Airport waxaa salaadii Jinaasada lagaga tukaday masjidka tabliiqiyiinta iyadoo halkaasina looga sii qaaday dhanka xabaashii loo qoday oo diyaar ahayd, waxaana buddhigay Ciidamada Qaranka.

Marxuumka ayaa loo aasay si heer qaran ah iyada oo ay ka soo qaybgaleen guud ahaan bulshada Somaliland, munaasibada aaska ayaa ahayd mid aan loo kala maqnayn sidoo kalena ay joogeen golayaasha qaranka, Saddexda Xisbi Qaran, badi madax dhaqameedka, waayeelka, waxgaradka iyo haldoorka Somaliland.

Ka dib markii Marxuumka ciida lagu rogay ayaa halkaasi loogu duceeyey inuu illaahay naxariistii janatul fardowsa ka waraabiyo, ehelkii qaraabadii iyo shacabka Somaliland ee uu ka geeriyoodayna samir iyo imaan ka siiyo.