Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlay Shakhsiyaddii Dr Cabdiqaadir Xaaji Muuse (Muruq-liqe) oo maanta lagu Aasay Magaalada Burco

u_106884d_2013-8-3-11-43-42f_tacsi-siilaanyo-316x300Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa ka hadlay shakhsiyadda iyo doorkii uu ka soo qaatay dhismihii dalka Alle ha u naxariistee Marxuum Dr Cabdiqaadir Xaaji Muuse (Muruq-liqe) oo maanta lagu aasay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu ka tacsiyeeyay bahda Caafimaadka iyo qoyskii uu ka baxay marxuumka oo uu ku tilmaamay inuu ka mid ah dhakhaatiirta faro-ku-tiriska ah ee qaybta Laxaadka leh ka soo qaatay geeddi-socodkii dhismaha iyo nabadeynta dalka.

“Marxuumka oo ka mid ahaa Dhakhaatiirta waa weyn ee dalka kana mid ahaa dadkii fara-ku-tiriska ahaa ee ka qaybqaatay dib u dhiska dalka, wakhtigooda ugu badana geliyey sidii bulshadeenu u heli lahayd caafimaad taam ah, sidoo kalena ahaa aqoon yahan iyo waxgarad door muhiima ku lahaa nabadayntii iyo dib u dhiskii dalkaba,” sidaas waxa uu madaxweynuhu ku yidhi dhambaal tacsi ah oo uu diray bahda Caafimaadka iyo Qoyskii uu ka baxay Marxuum Muruq-liqe.

Waxa uu madaxweynuhu ku tilmaamay tiir ka baxay guud ahaanba shacbiga Somaliland, waxaanu Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, dhammaan Bahda caafimaadka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

SOMALILANDPOST.NET