Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlay Geerida Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Guurtida Somaliland oo lagu Aasay magaalada Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa ka hadlay shakhsiyadda iyo doorkii uu kul lahaa nabadeynta iyo dhismaha Qaranimada Somaliland Xildhibaan Cali Aadan Qalinle oo ka tirsanaa Golaha Guurtida Somaliland oo shalay ku geeriyooday Hargeysa.

siilaanyoMadaxweynuhu waxa uu tacsi u diray Golayaasha Guurtida iyo Baarlamaanka Jamhuuriyada Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Marxuumka oo ka mid ah Odayaasha ugu da’da weyn Golaha Guurtida Somaliland.

War-saxaafadeed xambaarsan dhambaal tacsi ah oo madaxweynuhu u diray qoyskii, ehelkii iyo golaha Guurtida, ayaa sidoo kale madaxweynuhu ku xusay shakhsiyaddii uu marxuumku lahaa iyo dedaalkii uu u soo galay nabadeyntii iyo dib-u-dhiskii dalka.

“Xildhibaanka waxa uu ka mid ahaa Xildhibaanada Golaha Guurtida ee fara ku tiriska ah ee mudada dheer ka tirsanaa golaha Guurtida, kana soo shaqeeyey nabadayntii beelaha Somaliland, iyo dib u dhiskii dalka, hadana waxa uka mid ahaa odayaasha iyo xildhibaanada wakhtigooda ugu badan ku bixin jiray wanaaga iyo nabad ku wada noolaanshaha shacbiga Somaliland,” sidaas ayuu yidhi madaxweynaha oo ka hadlayey shakhsiyadda Marxuumka, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Madaxweynuhu waxa uu tacsi la mid ah u dirayaa dhamaan Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland guud ahaanba, isaga oo marxuumkana ALLE uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo Golaha Guurtida, Golaha Baarlamaanka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ha ka siiyo.

SOMALILANDPOST.NET