Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlay Dhacdadii Saaka ee Golaha, Shaqaaqadii ka dhacday magaalada Burco, talooyinna u jeediyey Xisbiyada iyo Baarlamaanka

aHARGEYSA (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka hadlay dhimasho iyo dhaawacyo ka dhashay mudaharaad saaka ka dhacay magaalada Burco, waxaanu ehelladii dadkii ay ku waxyeeloobay ka tacsiyeeyey khasaaraha ka dhashay bannaan-baxaas.

Bannaan-baxayaasha ayaa ka soo horjeeday mooshin mudaneyaasha Muxaarafadka ah ee Golaha Wakiillada oo haysta aqlabiyadda Goalhaas ay xilka kaga xayuubinayey Guddoomiyaha Golahaas kaldhiga 26aad oo maanta loo ballansanaa inuu furmo, haseyeeshee waxa fadhigaas baajiyey Guddoomiyaha iyo xildhibaanno ka tirsan golaha guurtida.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu guddoomiyaha Golaha Wakiillada ku eedeeyey masuuliyadda dhacdadii saaka ka dhacday golaha, isaga oo ku dooday inuu mar kasta xukuumadda ku eedeeyo inay faro-gelin ku hayso Golaha Wakiillada.

Madaxweynaha oo ugu horeyn ka hadlayey shaqaaqada ka dhacday Burco, waxa uu yidhi,
Bulshada Somaliland dhammaan waan salaamayaa, waxaa ka xumahay in ay dhacdo maanta khilaaf iyo shiqaaqo uu abuuray Golaha Baarlamaanka. Waxay Hay’adaha ay khusaysa isoo gaadhsiiyeen in sababtaa awgeed loo dhaawacay ciidamadii ammaanka sugayey, hal qof oo shicib ah ku dhintay, afar qof oo kalena ay ku dhaawacmeen. Qaraabadii iyo eheladii iyo dhammaan dadka Jamhuuriyadda Somaliland waan uga tacsiyaynaa, aadna waan uga xumahay.”

“Waxaan leeyahay nabadgelyada hala illaaliyo, ha lala shaqeeyo ciidanka booliiska, iyo guud ahaan Hay’adaha ammaanka ku hawlan, ammaanku waa shayga ugu qaalisaan ee qarankani haysto, aniguna Madaxweyne ahaan waa masuuliyadayda koowaad, cidna ka yeeli maayo in nabadgelyada iyo khalkhal la galiyo,” ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Md Axmed Siilaanyo oo goor-dhawayd shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa, waxa uu siyaabo kala duwan ula hadlay Golaha Wakiillada, Golaha Guurtidaiyo Axsaabta Mucaaradka. “Waxaan leeyahay Golaha Wakiilada waxaa idin saaran masuuliyad culus oo bulshadu idinka fadhido, ma aha in aad maalin walba is haystaan oo Qaranka qas gelisaan, dhammaan waxaa idiin soo gudbiyey Xeerarkii muhiimada Qaranka u lahaa. Xeerkii Ammaanka, Xeerkii Doorashada, Miisaaniyadii Qaranka, Komishankii Doorashooyinnka. Waa khalad in Guddoomiyuhu maalin kasta nagu eedeeyo in aanu faragelin ku hayno Golaha, mana jirto. Shaqada Qaranku idinka sugayo ka hawlgala, idinkuna wixii dhexdiina yaalla wada hadal ku dhammaysta, sharcigana u hoggaansama,” ayuu yidhi Md Siilaanyo.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Golaha Guurtida waan ku ammaanaya waxaana ku hambalyeynayaa shaqada ay Qaranka u hayaan, gacanna waanu ku siinayna, waanay ku mahadsan-yihiin.”

“Xisbiyada waxaa loo sameeyey in qabyaaladda lagaga baxo, waa nasiib darro in maanta qaarkood ay kasoo baxdo baaqyo qabyaladeed, waxaan leeyahay qarankan waxaad u haysaan masuuliyad, waxaana waajib idinku ah in aad illaalisaan sumcadda, sharafta, iyo haybadda qaranimada,” ayuu yidhi.

SOMALILANDPOST.NET