Madaxweyne Siilaanyo oo Guul Qaranimada u Hiilinaysa ku tilmaamay Doorashada Deegaanka oo Si wanaagsan u Qabsoonta

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo,  ayaa doorashada golaha deegaanka oo si wanaagsan u qabsoonta ku tilmaamay guul u hiilinaysa Qarannimada Somaliland.

Md Axmed Siilaanyo oo maanta Xafiiskiisa ku qaabbilay ururrada bulshada Rayidka ah, ayaa ku ammaanay doorka ay ku leeyihiin iyo sida wanaagsan ee ay isugu habeeyeen ka qayb-qaadashada doorashada goleyaasha Deegaanka.

Sidaa waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul, kaas oo u dhignaa sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta qasriga madaxtooyada kulan kula yeeshay ururada Bulshada Somaliland.

Kulankaani madaxweynaha ay ugu yimaadeen ururada bulshada ayaa  ujeedadiisu ahayd sidii looga wada shaqayn lahaa hareerahana la isaga taagi lahaa doorashada golayaasha deegaanka ee fooda inagu soo haysa.

Madaxweynaha JSL, Dr. Ahmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo) oo hadal u jeediyey xubnahaasi masuuliyiinta ah ee  ka socda ururada bulshada ayaa ku amaanay sida ay isugu habeeyeen ka qayb qaadashada iyo habsami u socodka qabsoomida doorashada golayaasha deegaanka ee foodda inagu soo haysa., iyada oo uu madaxweynuhu ku tilmaamay inay guul iyo hiilimaad u tahay qaranka Somaliland doorashadaasi oo si wanaagsan inoogu qabsoontaa.

Waxa iyaguna kulankaasi ka hadlay xubnihii metelaayey ururada bulshada ee Somaliland, oo ka waramay hawsha ay isku xilsaareen iyo kaalinta ay ka qaadanayaan in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah, si taasi loo gaadhana xukuumada, xisbiyada, shacab weynaha iyo ururada bulshaduba,  ay meel uga soo wada jeestaan sidii doorasahdaasi inoogu qabsoomi lahayd si nabad-gelyo ah, looguna wada qanci lahaa natiijada ka soo baxda.

Ugu danbayna madaxweynuhu waxa uu ku sii dhiiri-geliyey ururada bulshada in ay dedaalkaasi iyo xilkasnimadaasi ay halkaa ka sii wadaan si doorashadu inoogu qabsoonto si nabadgelyo ah, guud ahanba dalka oo dhan.

Kulankaasi waxa madaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirka Madaxtooyada JSL, Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo khayraadka badda, Mudane, Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire) iyo wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta.”

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net