Madaxweyne Siilaanyo oo Guddoomiye Cusub u magacaabay Gobolka Awdal

Madaxweynaha Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanayo) ayaa guddoomiye cusub u magacaabay gobolka Awdal, ka dib markii uu xilkii gobolkaas iska casilay guddoomiyihii hore ee gobolkaas oo u dhoofay dalka Kanada.

Warsaxaafadeed oo kooban oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxtooyada Somaliland Cabdilaahi Daahir (Cukuse) ayaa lagu sheegay in maanta laga bilaabo, Md. Axmed Xadi Siciid uu yahay guddoomiyaha Gobolka Awdal.

Warsaxaafadeedka lagu shaaciyay magacaabista Guddoomiyaha cusub ee gobolka Awdal ayaa u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Xeer Madaxweyne oo Numberkiisu yahay  0172/092011  ku Magacaabay Mudane, Axmed Xadi Saciid inuu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Awdal.

Madaxweynuhu:

Markuu Arkay:  Qodobka 90aad iyo Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Arkay:    Baahida loo qabo in Badhasaab loo magacaabo Gobolka Awdal,

Markuu Aqoonsaday:    Muhiimadda wayn ee loo qabo buuxinta hawsha jagadan Guddoomiyhaha Gobolka Awdal,

Markuu Ka Fiirsaday:  Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo,

Markuu Ku Qancay:  In uu hanan karo xilkan loo magacaabay.

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Axmed Xadi Saciid, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Awdal ee Jamhuuriyadda Somaliland.”

Magacaabista guddoomiyaha cusub ayaa timi ka dib markii guddoomiyihii hore ee gobolka oo markii xilka hayay muddo saddex maalmood ah Sponsor ka helay dalka Kanada, taasina sababtay inuu dayaco xilkii qaranimo ee loo igmaday.

Chief-Caaqil Xasan Daahir Xadi oo ka dib markii uu ka degay dalka Kanada ku dhawaaqay is-casilaaddiisa, waxa uu xilka guddoomiye-nimo uga dambeeyay badhasaabkii hore ee gobolkaas  Maxamed Daahir Cabdalle oo ka mid ahaa xubnihii Kulmiye kaga jiray gobolka isla markaana kaalin firfircoon ka ciyaaray siyaasadda xisbiga ee gobolka.

Guddoomiyaha Cusub ee la magacaabay Md. Axmed Xadi Siciid  ayaa ah siyaasi magac weyn ku leh gobolka Awdal door muhiim ahna ka qaatay ku-hadlidda magaca gobolka iyo sidii horumarkiisa looga talin lahaa.

Somalilandpost.net

yaasiin_29@rocketmail.com

Hargeysa, Somaliland