Madaxweyne Siilaanyo oo Guddi u magacaabay sidii Haweenka iyo Dadka laga tirada badan yahay ay uga qaybgali lahaayeen Siyaasadda

Madaxweynaha Somaliland

Hargeysa, 08 September, 2011 (Ogaal)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay magacaabay Guddi cusub oo uu u xil-saaray inay soo baadhaan ama daraaseeyaan Xoojinta kaalinta Haweenka iyo Dadka laga tirada badan yahay ee ka qaybgalka Siyaasadda dalka.

Sidaa waxa lagu sheegay War-Saxaafadeed uu shalay soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Cabdillaahi-Cukuse, kaasoo lagu faahfaahiyey qodobbada Xeerarka uu Madaxweynuhu u cuskaday Guddigan iyo Magacyada xubnaha la magacaabay. Waxaanu War-Saxaafadeedkaasi u dhignaa sidan: “Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Xeer Madaxweyne oo Numberkiisu yahay 0171/092011 ku Magacaabay Guddida Daraasaynta xoojinta kaalinta Haweenka iyo Dadka laga tirada badan-yahay ee ka qayb-galka siyaasadda.

Madaxweynuhu:

Markuu Arkay: Qodobada 8aad, 22aad iyo 90aad ee dastuurka Jamhuuriyada: Somaliland. Markuu Arkay: Talada Golaha Guurtida JSL, ee ku suntan Ref: GG/JSL/52/032011 kuna taariikhaysan 19/02/2011, ee nuxurkiisu yahay in guddi midaysan oo ka kooban saddexda Gole (xukuumadda, wakiilada iyo Guurtida) loo saaro arrinta xoojinta kaalinta haweenka iyo beelaha laga tiro-badan yahay ee ka qayb-galka siyaasadda.

Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo sugitaanka xuquuqda siyaasadeed ee haweenka iyo beelaha laga tirada badan yahay, Markuu Aqoonsaday: In ay haweenku yihiin hal-bawlaha bulshada iyo muhiimada ay u

leeyihiin horu-marinta qaranka.

Wuxuu go’aansaday Madaxweynuhu, In uu Magacaabo Guddida Daraasaynta xoojinta kaalinta haweenka iyo beelaha laga tiro-badan yahay ee ka qayb-galka siyaasadda, Gudidaas oo ka kooban 9 xubnood, oo kala ah:

1. Xuseen Axmed Caydiid, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka

2. Cabdirisaaq Khaliif Axmed Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha &

Dalkxiiska

3. Cali Cabdi Saa’iq Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud, G & Gaadiidka

4. Xil. Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Dheere)

5. Xil. Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan

6. Xil. Sh. Maxamuud Xirsi Faarax

7. Xil. Muxumed Aw Axmed X. Aadan

8. Amaal Axmed Miisaan, La Taliyaha Madaxweyne ee Arrimaha Haweenka

9. Axmed Muxumed Madar, Gudoomiyaha Guddiga La-dagaalanka Musuq-Maasuqa

iyo Ilaalinta Dawlad Wanaaga.

Haddaba, marka aad deristaan ka dib waxan idiinka rajaynaya in aad ii soo gudbisaan tala dhaxal-gal ah oo Golayaasha Qaranku ku go’aan qaadan karaan, iyadoo la waafajin doono shuruucda dalka. Waxaan jecelahay in aad kusoo dhamaysaan muddo 3 toddobaad.”