Madaxweyne Siilaanyo oo go’aan ka soo saaray Dhul Dawladda Hoose Qorshaysay inay Iibiso oo maanta Rabashado ka dhaceen

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa go’aan ka soo saaray Dhulka ku yaala Barxadda dhinaca K/Bariga ee guriga Xisbiga ee Suuqa Gobonimo oo shalay iska horimaad rabshado wataa ku dhexmareen Ciidamada Booliska iyo Shacab ku ganacsada dhulkaas, ka dib markii Dawladda Hoose ee Hargeysa ku wargelisay inay dhulkaas isaga guuraan.

Madaxweyne Siilaanyo oo caawa soo saaray digreeto uu ku laalay qorshaha dawladda Hoose ku doonaysay inay ganacsato Suuqa Hoose laga rarayo loo dhiso dhulkaas, waxa uu ku wargeliyey Duqa Caasimadda Hargeysa inaan dhulkaas la bixin karin, waxba laga dhisi karin isla markaana aan sifo kale loo isticmaali karin.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu wasiirka Arrimaha Gudaha faray inuu warbixin uga soo gudbiyo fulinta Warqaddani Xambaarsan tahay.

Waxa sidaas lagu sheegay War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Md Axmed Saleebaan Dhuxul, kaas oo u dhignaa:

“Waxaa jirta in Xukuumaddu u qorshaysay baahi Qaran  Guriga Xisbiga iyo dhulka ku xeeran, iyadoo ay hore u jirtay ku talogal naqshad-dhuleedka danta guud ee aan Xukuumadii hore kala wareegay, isla markaana  Madaxweynihii hore ka soo saaray qoraalka summadiisu tahay JSL/M/MHH/241/0506 ee 06/05/06, taasoo u muuqata in aan la tixgelin.

Sidaas darteed, Mudane Guddoomiye,(Duqa Caasimada Hargeysa) ahna Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Hargeysa, maadaama baahi Qaran dhulkaas loo qabo,  waxaan ku farayaa in aan dhulkaas la bixin karin waxna laga dhisi karin wajahadiisa, sii jeed & soo jeed iyo dhammaanba Dhulka ku xeeran Guriga Xisbiga.

Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxa la farayaa inuu warbixin ka soo diyaariyo fulinta amarka warqadani xambaarsan tahay.”

Tallaabada madaxweyne Siilaanyo uu go’aanka kaga gaadhay dhulkan, ayaa ka dambaysay ka dib markii maalinta iska horimaad rabshado wata ka dhacay wejahadda Koonfur-Bari ee Guriga Xisbiga halkaas oo dad ka cadhooday qorshe dawladda Hoose ku damacsanayd inay dhulkaas dejiso ganacsato Suuqa Hoose laga rarayo, waxaanay goobtaas ku gubeen taayirro ka hor intii aanay ciidamada Boolisku soo gaadhin goobtas.

Ciidamada Booliska oo adeegsanaya rasaas, ayaa dadweynihii mudaharaadka samaynayey khasab ku kala kaxeeyey, waxaanay xabsiga u taxaabeen 20 qof oo isugu jira dumar Caanaha Iibiya iyo darawaliinta baabuurta u kala gooshta Hargeysa iyo Wejaale oo istaankoodu ku yaallo wejahadda Bari ee guriga Xisbiga.

Sidoo kale, ciidamada booliska oo watay cagafyada dawladda hoose qaarkood ayaa halkaas ka baa’biiyey guryo ka samaysnaa jiingado, kuwaasi oo ay ku jireen dad danyar ah oo qaarkood alaabtoodii ay bannaanka loogu daadiyey.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net