Madaxweyne Siilaanyo Oo Ganacsatada Kala Kulmi Doona Isticmaalka Shilinka Somaliland oo Qiimo Dhac Ku Yimi

Hargeysa(SLpost)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilanayo ayaa kulan la qaadan doona maalinta sabtida fooda inagu soo haysa guud ahaan ganacsatada dalka, kulankan ayaa lagaga wada hadli doonaa sidii wax looga qaban lahaa qiimo dhaca ku yimi shilinka Somaliland.

Ka sokow shirka waxa ganacsatada la fari doonaa fulinta amaro ay xukuumadu soo saarayso, waxaana sidan sheegay wasiirka madaxtooyada oo arintaas yara taabtay “Madaxweynaha Somaliland waxa uu la kulmi doonaa maalinta sabtida ganacsatada dalka waxaana laga wada hadli doonaa arinta(Qiimadhaca lacagta Somaliland), waayo waa mid qaran oo miisaankeeda leh.”

Madaxweynaha ayaa hore gudi ugu saaray sixir bararka ka jira dalka, waxaana gudidaasi ay soo gudbiyeen dhibka ugu weyn inuu yahay shilinkii Somaliland oo qiimo dhac ku yimi,isla markaasna aan dalka lagu isticmaalayn.