Hargeysa, (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamd Siilaanyo socdaal ku gaalaa bixiyay goobaha ganacsiga caasimadda Hargeysa.
Madaxweynaha oo ay weheliyaan Marwada koowaad ee qaranka, wasiirka daakhiliga, wasiirka maaliyada, taliyaha ciidanka booliska iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda ayaa socdaal kormeer ah ku maray suuqyada ganacsi ee waaheen iyo gobanimo, isagoo madaxweynuhu meheradaha suuqyadaas ay kusoo dhaweeyeen dadweynuhu.
Xilligan oo lagu jiro u diyaar-garawga munaasibada xuska 18-ka May ayaa suuqyada waxa aad looga iibsanayaa astaamaha qaranka sida calanka oo noocyo iyo qaabab badan laga sameeyay, waxaanu madaxweyne Siilaanyo soo maray goobaha lagu iibinayo calamadaas iyo istiikarada kala duwan ee gawaadhida lagu dhejiyo oo lagu muujiyay calanka iyo xuska 24-aad ee 18-ka May.
——Waxa kale oo uu madaxweynuhu socodkiisan caasimadda ku maray dariiqyada laamida ah ee Hargeysa, isagoo ugu dambayna tagey hotel ambassador ee magaalada Hargeysa halkaasoo uu waqti kula qaatay dadweynihii shacabka ahaa fadhiyay.
Somalilandpost.net