Madaxweyne Siilaanyo oo Digreeto ku Dhaqan-geliyey Xeerarka La-dagaalanka Budhcad-badeedda iyo Wareejinta Maxaabiista

Hargeysa, 21 March, 2012 (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta soo saaray laba digreeto uu ku dhaqan-geliyey laba xeer oo ay hore u soo ansixiyeen Golayaasha Baarlamanka kuwaas oo kala ah Xeerka La-dagaalanka Budhcad-badeeda iyo Xeerka Wareejinta Maxaabiista.

Sidaa waxa lagu sheegay Warsaxafadeed xambaarsan labada digreeto ee madaxweynaha kaas oo uu ku saxeexan yahay af-hayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Daahir Cukuse, waxaanay labada digreeto u dhignaayeen sidan:

Digreetada Xeerka Budhcad-badeedda

“Madaxweynaha JSL, Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Maanta Digreeto Madaxweyne oo Numberkeedu yahay JSL/M/XERM/249-988/032012, ku Dhaqan-geliyey Xeerka La-Dagaalanka Budhcad – badeedda (Piracy Law) Xeer Lr. 52/2012.

Madaxweynuhu :-

Markuu Arkay:    Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 Markuu Helay:    Go’aanka Golaha Wakiilada JSL, ee ku suntan GW/G/KF-17/555/2012 ee 21/03/2011 ee Go’aanka Ansixinta Xeerka La-dagaalanka Budhcad Badeedda (Piracy Law) Xeer Lr. 52/2012;

Markuu Arkay:    Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Wuxuu Soo Saaray

Dhaqan-galka Xeer Lr. 52/2012 ee Xeerka La-dagaalanka Budhcad Badeedda (Piracy Law).

Digreetada Xeerka Maxaabiista

Madaxweynaha JSL, Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Maanta Digreeto Madaxweyne oo Numberkeedu yahay JSL/M/XERM/249-989/032012 ku Dhaqan-geliyey Xeerka Wareejinta Maxaabiista, Xeer Lr. 53/2012.

Madaxweynuhu :-

Markuu Arkay:    Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Helay:    Go’aanka Golaha Wakiilada JSL, ee ku suntan GW/G/KF-17/556/2012 ee 21/03/2011 ee Go’aanka Ansixinta Xeerka Wareejinta Maxaabiista Xeer Lr. 53/2012;

Markuu Arkay:    Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Wuxuu Soo Saaray

Dhaqan-galka Xeer Lr. 53/2012, ee Xeerka Wareejinta Maxaabiista.

Dhaqan-gelinta Labada Xeer ayaa suurto-galinaya inay Somaliland ka mid noqoto Waddamada Caalamka ee dagaalka kula jira Budhcad-badeedda amaan-darrada ku haya maraakiibta iyo doonyahay Ganacsi ee ka gooshaya Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed. Sidoo kale, waxay xeerarkani suurto-gal ka dhigayaan in Somaliland la keeni karo Maxaabiis lagu maxkamadeeyey ama ku xidhan dalal kale oo Shisheeyey gaar ahaan maxaabiista budhcad-badeedda Soomaalida ee ku xidhan xabsiyada waddamo kale. Tallaabadani waxay maxaabiista Budhcad-badeedda Soomaalida u saamaxaysaa inay helaan Xabsiyo ku yaala dal ay dhaqankooda iyo caadadooda isku mid ka yihiin, hadday ahaan lahayd Cuntada, Cibaadada iyo xataa hab-la-dhaqanka.

SOMALILANDPOST.ENT

webmaster@somalilandpost.net