Madaxweyne Siilaanyo Oo Dhaqangaliyay Miisaaniyada 2016

Hargeysa(SLpost)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa si rasmi ah u dhaqangaliyay miisaaniyada sanadkan oo dhawaan ay ansaxiyeen golaha wakiilada Somaliland kadib markii ay u soo gudbisay wasaarada maaliyadu.

Waxa sidan lagu sheegay war-saxaafadeed uu ku saxeexnaa Af-hayeenka Madaxweynaha JSL Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr) waxaanu war-saxaafadeedkaasi isaga oo dhamays tiran u dhignaa sidan

“WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Summadeedu tahay JSL/M/DEC/249-3766 /012016 ku Dhaqan-geliyey Miisaaniyad Sannadeedka 2016-ka.

Madaxweynuhu:- 

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Go’aanka Golaha Wakiillada, Go’aan Lr. GW/G/KF-29/674/2016 ee ku taariikhaysan 03/01/2016 ee ay ku ansixiyeen Miisaaniyadda Sannadka 2016-ka ee Dawladda Dhexe, Hay’adaha Madaxa Bannaan, Dawladaha Hoose, Dakhliga Deeqaha Caalamiga ah, Dakhliga Mashruuca Maamul Daadejinta;

Wuxuu Soo Saaray

Xeerkan oo lagu baahinayo dhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2016-ka ee Dawladda Dhexe, Hay’adaha Madaxa Bannaan, Dawladaha Hoose, Dakhliga Deeqaha Caalamiga ah iyo Dakhliga Mashruuca Maamul Daadejinta.

ALLAA MAHAD LEH”

Â