Madaxweyne Siilaanyo oo muddeeyey Wakhtiga laga qabanayo Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Doorashooyinka

Madaxweyne Siilaanyo oo Kalsooni ka Muujiyey inuu Mar labaad Hanan Karo Hoggaaminta talada dalkaHargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa digreeto madaxweyne ku muddeeyey wakhtiga la qabanayo  Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Doorashooyinka, isaga oo ayidey muddada Guddiga Doorashooyinku u qabtay oo ku beegan bilowga Bisha Todobaad ee sannadkan.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada oo uu ku saxeexan yahay Xoghayaha Xafiiska Xidhiidhka Saxaafadda, waxa uu madaxweynuhu Amray in dalka laga qabto Diiwaangelinta codbixiyeyaasha 1-da bisha 7aad ee 2015 oo Guddiga Doorashooyinku hore ugu muddeeyeen

War-saxaafadeedka, ayaa u qornaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-3164/042015 ku go’aamiyey in Diiwaangelinta Cod-bixiyayaashu ka bilaabanto Gobollada Dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:    Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:  Qodobka 18aad ee Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha Xeer Lr. 37/2007;

Markuu Arkay:    Soo jeedinta Guddida Doorashooyinka Qaranka ee summadeedu tahay KDQ/XK/405/2015, ee ku taariikhaysan 09/04/2015 iyo Lifaaqa la socda ee ay ku caddahay Muddada Diyaarinta Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha iyo Muddada Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha;

Markuu Tixgeliyay:  Ahmiyadda Diiwaangelinta Cod-bixiyayaashu u leedahay in la qabto Doorasho xor ah oo xalaal ah;

Wuxuu Soo Saaray;

Xeerkan oo lagu go’aamiyey in Diiwaangelinta Cod-bixiyayaashu ka bilaabanto Gobollada Dalka Jamhuuriyadda Somaliland taariikhdu marka ay tahay 21/07/2015.” Sidaas ayaa lalgu yidhi war-saxaafadeedka.