Madaxweyne Siilaanyo oo dhalinyarada Reer Berbera Kula Dabbaashay Xeebta Batalaale (DAAWO SAWIRRO)

Berbera (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa markii ugu horaysay intii uu Madaxweynaha noqday waxa uu dabaal u tagay Xeebta Batalaale, iyadoo ay weheliyaan Xubno Wasiiro ah iyo Madax kale oo Xukuumaddiisa ka tirsan. –

Waxa uu galabta wakhti qaali ah oon hore u soo marin dhalin-yarada Gobolka Saaxil ku nool gaar ahaan Ardayda Kulliyadda Badda ka dhigata Jaamacada Berbera oo maanta nasiib u yeeshay in ay Masuulkii qarankan ugu sareeyey kula dabaashaan baddooda qiimaha badan,  oo daba socota dhiirigelinta iyo ka warhaynta Da’a yarta dalka.

Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay dareenkiisa la xidhiidha inuu maanta dhiiri-geliyo Ardaydan Kulliyadda Badda, waxa uu yidhi, “Waan ku faraxsanahay in aan galabta wakhti la qaato lana dabaasho kuna dhiiriyo dhalinyarada Dalka qaar ka mid ah inay dalkooda wax ku bartaan oo ay soo baxaan dhalinyaro aqoon dheeriya u leh baddooda, waxanan ku dhiiri-gelinayaa inta kale ee aan nasiibka u helin ay badda wax ka bartaan oo ay ku dedaalaan inay dalkooda wax u bartaan kuna kalsoonadaan, oo aanay ka tahriibin naftoodana aanay haligin.”

Madaxweynuhu waxa uu wakhti dheer ku jiray badda isaga oo ay wehelinayaan qaar ka mid ah golaha Wasiirada iyo Taliyeyaasha Ciidamada iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha.

SOMALILANDPOST.NET