Madaxweyne Siilaanyo Oo Dhaariyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare

????????????????????????????????????

Hargeysa, (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta xafiiskiisa ku dhaariyey Gudoomiyaha Maxkamada Sare Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed oo uu madaxweynuhu magacaabay 24/05/2015 una gudbiyey Golaha Wakiilada, iyaguna ay ansixiyeen 03/Jun/2015, ka dibna uu xilkii gudoomiyaha maxkamada sare kala wareegay08/Jun/2015, gudoomiyihii ka horeeyey ee xilka laga qaaday Garyaqaan Yuusuf Ismaaciil cali.

Maanta oo taariikhdu tahay 28/Jun/2015 na uu dhaartii dastuuriga ahaydna uu madaxweynaha qaranka Somaliland u dhaariyey gudoomiyaha cusub si uu hawlaha horyaala u gudo galo, isaga oo sharciga islaamka ugu dhaartay shacbiga iyo qaranka Somalilandba.

Ugu danbayna waxa uu Madaxweynuhu gudoomiyaha dhaarta ka dib ugu duceeyey in alle u fudaydiyo xilkaasi, kana dhigo mid dalka iyo dadkaba u horseeda kala danbayn iyo cadaalad.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????