Madaxweyne Siilaanyo oo dalka ku soo guryo Noqday, kan hadlay aaska Melez

Hargeysa (SLpost)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii wefti uu Hoggaaminayay ay socdaal ku tageen dalka Itoobiya, halkaasi oo uu kaga qeyb galay aaskii Raysal wasaarihii hore ee Itoobiya.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ka soo degay Madaarka Hargeysa ee Cigaal International waxa siday diyaarad khaas ah, waxaana halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirro, masuuliyiinta Ha’yadaha dawlada, Hoggaanka xisbiga KULMIYE iyo Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Wakiiladda iyo Guurtida.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud oo saxaafada ugu waramayay qolka nasashada ee madaarka Hargeysa, ayaa sheegay inay qaran ahaan ka qayb galeen aaskii Raysal wasaarihii hore ee Itoobiya Malas Zanawi, waxaanu tilmaamay inay dawlada Itoobiya iyo qoyskii Hoggaamiyihii hore ee dalkaasi u tacsiyadeeyeen una muujiyeen siday uga xun yihiin geeridiisa.

“Aniga iyo weftigii aan Hoggaaminayay waxaanu ka qeyb galay aaskii Raysal wasaarihii hore ee Itoobiya Males Zanawi oo dhawaan geeriyooday oo aaskiisa dunida oo dhan waa la iskaga yimid. Itoobiya waa dal aynu jaar nahay. Waa dalka ay ku taallo xaruntii midowga Afrika. Waana dal aynu saaxiib nahay oo xidhiidh wanaagsani Inaga dhaxeeyo,”ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Md. Axmed Siilaanyo oo ka hadlayay shakhsiyaddii Hoggaamiyihii hore ee Itoobiya, waxaanu yidhi “Raysal wasaarihii hore wuxuu ahaa nin aynu in badan aanu kulanay. Waxa inaga dhaxeeyay xidhiidh gaar ah. Waxaanu ahaa mid aad iyo aad inoogu roonaa oo aynu saaxiib ahayn. Tacsidaasi ayaanu ka qeyb galay anagoo ka wakiil ah shacbiga Somaliland.”

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu sheegay in dalka Itoobiya uu ka dhaxeeyo iskaashi qoto dheer oo saaxiibtinimo isla markaana uu halkiisii ahaan doonto cilaaqaadka labada dal.

Weftiga madaxweynaha waxa dawlada itoobiya ku qaabishay baratakool sare oo la mid ah kii Hoggaamiyeyaashii adduunka ka socday, waxaana la fadhiisiyay goobtii loo asteeyay madaxdii caalamka ka socotay.
Madaxweynuhu waxa uu madaarka Hargeysa salaam sharaf kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidammadda qaranka, waxaanu gacan qaaday masuuliyiintii soo dhaweysay.
Weftiga Madaxweynaha waxa xubno ka ah Wasiirrada Arrimaha dibada, Madaxtooyada Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar Iyo Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde.