Madaxweyne Siilaanyo oo Buuxiyey Boosas ka bannaanaa Xukuumaddiisa, qaar kalena xilka ka qaaday

Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa (SLpost)–Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa digreeto madaxweyne oo uu maanta soo saaray ku magacaabay Boosas ka bannaanaa xukuumaddiisa, qaar uu xilka ka qaaday, halka uu qaar kalena u beddelay hay’ado cusub.

Madaxweyne Siilaanyo

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu buuxiyey jagooyin ka bannaanaa agaasimayaasha Guud ee wasaaradaha dawladda qaarkeed isaga oo Masuuliyiin cusub u magacaabay Wasaarado dhowr ah halka agaasimayaal Guud oo xukuumadda ka tirsan uu u beddelay uu u beddelay wasaarado kale. Madaxweynuhu waxa uu Agaasimihii Guud ee Wasaarada Warfaafinta Faysal Cali Sheekh u beddelay Wasaaradda Arrimaha Debedda Somaliland. Waxa kale oo madaxweynuhu xil ka-qaadis ku sameeyey Mareeyihii hore ee xidhiidhinta Raashinka WFP isaga oo u magacaabay masuul cusub.

Sidaa waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxtooyada Somaliland Md. Cabdilaahi Daahir Cukuse, kaas oo isaga oo dhammeystiran u dhignaa sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Xeer Madaxweyne oo Numberkiisu yahay JSL/M/XERM/249-1158/062012, ku magacaabay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha kala ah:-

Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta.

Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu magacaabay, Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka ee WFP, halka Maareeyihii Hore ee Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka ee WFP, Mudane, Axmed Xasan Nuur uu xilkii ka qaaday Madaxweynuhu.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:             Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka

Jamhuuriyadda Somaliland.

Markuu Tixgeliyey:      Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin

dhismaha Qaranka.

 Markuu Arkay:          In baahi loo qabo buuxinta jagada Agaasimeyaasha Guud iyo

Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka ee WFP JSL.

 Markuu La Tashaday:      Madaxda ay khusayso.

 Markuu Ku Qancay:         In ay hanan karaan, aqoon iyo kartina u leeyihin jagooyinkan;

Wuxuu go’aansaday

 In laga bilaabo taariikhda maanta ay ahadaan Agaasimeyaasha  Guud ee Wasaaradaha Arrimaha Dibedda, Arrimaha Gudaha, Diinta iyo Awqaafta, Maaliyadda, Warfaafinta iyo Wacyigelinta iyo Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka ee WFP.

NO

MAGAC-YADA MASUULIYIINTA CUSUB

WASAARADDA LOO MAGACAABAY

XILKA LOO MAGACAABAY

1 Faysal Cali Sheekh Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Agaasime Guud
2 Axmed Cumar Faahiye Wasaaradda Arrimaha Gudaha Agaasime Guud
3 Cabdirashiid Cabdilaahi Maxamed Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Agaasime Guud
4 Saleebaan Jaamac Diiriye Wasaaradda Maaliyadda Agaasime Guud
5 Cabdirashiid Jibriil Yoonis Warfaafinta iyo Wacyigelinta Agaasime Guud
6 Mudane, Maxamed Daahir Axmed Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka ee WFP Maareeye

Ujeedo: Xilka Qaadis:-

Mudane,

Waxa aan aad kuugu mahadinayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayay dabcigeeda tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Maareeyaha Hay’adda XidhiidhintaRaashinka ee WFP (Food Coordination Agency).

Haddaba waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay Mudane, Maxamed Daahir Axmed, oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.”

 SLpost News/Hargeysa