Madaxweyne Siilaanyo oo Baadhasaabbo Cusub u magacaabay Gobollada Gabiley, Saaxil, Sanaag iyo Wasiir ku-xigeenka Amniga

Madaxweynaha Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa badhasaabbo cusub u magacaabay gobollada Saaxil, Sanaag iyo Gabiley oo masuuliyiintii xilalka ka haystay uu xilka ka qaaday.

Madaxweynuhu sidoo kale, waxa uu wasiir ku-xigeenka amniga ee wasaaradda Arrimaha Gudaha u magacaabay badhasaabkii hore ee gobolka Saaxil, ka dib markii uu xilka ka qaaday wasiir ku-xigeenkii hore Cabdi Abokor.

madaxweyne siilaanyo“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay, JSL/M/XERM/249-2453/052014

Ku magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee JSL.

In Mudane, Cali Maxamed Cilmi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee JSL.

1. In Mudane, Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Gabiley ee Jamhuuriyadda Somaliland.

2. In Mudane, Fahmi Cabdi Bidaar, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Saaxil ee Jamhuuriyadda Somaliland.

3. In Mudane, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland.”