Madaxweyne Siilaanyo Oo Ardayda Jaamacada Camuud Qalinjabintii Kala Qaybgalay. Daawo Sawiro Badan

 

Boorma(SLpost)-Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa saaka subaxnimadii hore waxa uu safar ugu baxay Gobolka Awdal gaar ahaan magaalo madaxdiisa Boorama oo uu kaga qaybgalay Qalinjebinta Dufcadii 14aad ee ka baxda Jaamacada Camuud University oo noqonaysana dufcadii 5aad ee uu madaxweynuhu si xidhiidha uga qaybgalo farxada Ardaydaasi itii uu xilka hayey.

DSC_0135(1) DSC_0116 (1) DSC_0108 (1) DSC_0346 DSC_0147(2)  DSC_0166(1)

Madaxweynuhu waxa uu halkaasi ka jeediyey hadalo isugu jira dardaaran, dhiirigelin iyo waano oo uu ardayda ujeediyey, waxaanu jaamacada camuud ku tilmaamay mid taariikh weyn ku leh qaranka iyo shacbigaba, isaga oo hambalyo u diray Gudoomiyaha jaamacada Prof. Saleeban , maamulka iyo macalimiinta guud ahaan  jaamacada, waxaanu balan qaaday inay ka  xukuumad ahaan ka qeyb qaadan doonaan  kaalintooda  tayeynta Waxbarashada.

sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Jaamacada Camuud Prof: Saleebaan Axmed Guuleed oo warbixin guud ka siiyey madaxweynaha marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay jaamcadu iyo natiijada ka dhalay dedaalkii ay sameeyeen oo ay maanta qalinjebinayaan ardaydii ugu horaysay ee Master Degree qaadatay, sanadkana ay ku talo jiraan inay bilaabaan PHD, saleebaan axmed guuleed waxa uu ku dheeraaday tayeynta iyo kaabida waxbarashada jaamacada camuud, taasi oo ka dhigtay jaamacadan qiimayn lagu sameeyey jaamcadaha guud ahaan meelaha af-soomaaliga lagaga hadlo, ay noqotay mid kaalinta koowaad ka gashay guud ahaan jaamacadaha sida qiimayntaasi lagu cadeeyey.

waxaanu gudoomiyuhu kula dardaarmay ardaydii ka qalinjebisay maanta jaamacada camuud oo tiradoodu dhantahay 863 Arday, inay dhawraan magaca jaamacada muujiyaana aqoonta ay soo barteen qaranka iyo bulshadana ay ugu adeegaan.

waxa kale oo halkaasi ka hadlay masuuliyiin kala duwan, Waalidiin iyo Laba arday oo ku hadlaayey afka Ardayda qalinjebinaysay.

Ugu danbayna waxa uu madaxweynuhu shahaado sharaf gudoonsiiyey Ardaydii ka qalinjebisay dufcadaha kala duwan ee jaamacada camuud iyo xubno kala duwan oo lagu sharfay kaalinta ay ku leeyihiin taakulada iyo dhiirigelinta jaamacada.