Madaxweyne Siilaanyo iyo Weftigiisa oo caawa u hoyday Dhulkii Awoowyaasha, Berri-na Ceerigaabo ku beegan

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Weftiga uu hoggaaminayo, ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, isla markaana socod ay dhinaca Xeebta ah ayey ku sii mareen deegaanno kala duwan, waxaanu caawa u hoyday dhulkii Awoowyaasha oo ah deegaanka Maydh ee gobolka Sanaag.

IMG_1626Madaxweynuhu intii uu safarkiisa Xeebta ku sii jiray maanta waxa uu dhagax-dhigay Xarun Ciidammada ilaalada Xeebaha Somaliland looga yagleelayo deegaanka Ceel-daraad oo u dhaxaysa Karin iyo Maydh, halkaasoo sida la sheegay la filayo in dhawaan dhismeheeda la bilaabi doono haddii Eebbe idmo.

Waxay Madaxweynaha iyo Weftigiisu caawa u hoydeen magaalada Maydh oo ka tirsan gobolka Sanaag, halkaasoo ay ku aasan yihiin Culimo badan oo ay ka mid yihiin Sheekh Isaxaaq, Sheekh Samaroon iyo Sheekhyo badan oo kale oo ka mid ah Culimada ay inta badan dadka Somaliland iyo meelo kaleba degaa ka tafiirmeen.

Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisa, ayaa Axadda Berri ku beegan magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, halkaasoo ay kaga sii horreeyeen Gaadiidka dhismaha Waddada Ceerigaabo iyo Burco isku xidhaysa oo Sabtidii shalay gaadhay magaaladaas, isaga oo Madaxweynuhu goob-joog ka noqon doona bilawga dhismaha Jidkaaas oo uu sannadkii hore dhagax-dhigay.

SOMALILANDPOST.NET