Madaxweyne Siilaanyo iyo Raysalwasare Desalegn oo ka Wada-hadlay Geeddi-socodka Wada-xaajoodka Somaliland iyo Somaliya

Addis Ababa (SLpost)- Dawladaha Somaliland iyo Itoobiya, wada-xaajood ka yeeshay geeddi-socodka wada-hadallada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya oo wejiyo kala duwan oo ay mareen aan ilaa immika wax natiijo ahi ka soo bixin.

Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud iyo Raysalwasaaraha Itoobiya oo kulan ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ayaa ka wada-hadlay xoojinta iskaashiga dhinacyada ammaanka, ganacsiga iyo Tamarta ee ka dhexeeya labada waddan, iyaga oo dhinaca kale isla soo qaatay wada-hadallada u socda Somaliland iyo Soomaaliya.

Silanyo_DesigelnWar-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka wasaaraddaas Siciid Cali Muuse, ayaa lagu faahfaahiyey nuxurka qodobbo dhowr ah oo labada masuul ka wada-hadleen iyo ballamo dambe oo guddiyo labada waddan metalayaa kaga wada-hadli doonaan xoojinta dhinacyada ganacsiga iyo Ammaanka ee u dhexeeya labada waddan.

War-saxaafadeedka oo dhammeystiran, ayaa u qornaa sidan: “Labada masuul waxa ay wada-xaajood midho-dhal ah ka yeesheen dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin Ammaanka, Ganacsiga, Tamarta iyo wada-hadallada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya. Kulanka intiisa badan waxa lagaga hadlay xuduudka xidhan, reysal-wasaaruhuna wuxuu xaqiijiyey dammaanaq-qaad si deg-deg ah dib loogu furayo xuduudka.

Madaxweynaha iyo Raysalwasaaruhu waxa ay isla qaateen in la sii amba-qaado wada-xaajoodka khuseeya horumarinta dekedda Berbera iyo mashruuca Berbera Corridor iyada oo loo marayo qaab-dhismeed saddex-geesood ah.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu soo jeediyey in guddi wasiirro ah oo labada waddan ka tirsan ay wada-xaajood arrimaha ganacsiga khuseeya bilaabi doonaan Bisha Ramadan ka dib. Labada Masuulba waxa ay isku raaceen inay xoojiyeen iskaashigooda dhinacyo badan oo ammaanku u horreyo.”

SOMALILANDPOST.NET