Madaxweyne Siilaanyo iyo qayb ka mid ah Weftigii Ingiriiska tagay oo dalka ku soo laabtay, si aan hore u dhicinna loo soo dhaweeyey

Hargeysa, 03 March, 2012 (SLpost)- Weftigii uu hoggaaminayey Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland  Md, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Maanta  dib ugu soo laabtay  caasimada dalka ee Hargeisa , ka dib markii ay magalaada London kaaga qayb galeen shirki ay dawlada Ingirisku soo qaban qabisay ee 23 bishu aynu ka soo gudubnay

Weftiga madaxweynaha oo diiran loogu soo dhaweeyay Madaarka Cigaal International airport, waxa soo dhaweynta ka qayb-galay  Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil “Saylici” Shirgudoonka Golaha Baarlamanka, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Madaxda Xisbiyada,Ururada Siyaasada, Salaadiin iyo dadweyne kale, iyada oo inta badan Wasiirrada xukuumaddiisa, Shir-guddoonnada Golayaasha iyo masuuliyiin hore uga qayb-gali jiray soo-dhawaynta madaxweynaha aan lagu arag goobta soo-dhawaynta ee madaxweynaha, balse masuuliyiintani waxay soo-dhawaynta madaxweynaha kaga qayb-galeen qasriga madaxtooyada.

Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland  Md, Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo) waxa uu salaan Sharaf ka qaatay Cutubyo ka tirsan Ciidamada Qaranka.

Markaas kadib waxa uu Mudane Axmed Maxamed Maxamud “Siilaanyo” oo Qolka Nasashada ee Madaarka Cigaal International airport ugu waramayay warbaahinta ayaa sheegay in Weftiga uu hogaaminayaa ay talo midaysan kaga qayb galeen Shirkii lagu qabtay 23kii bishii hore ee Febarwery Magaalada London ee  lagaga hadlayay xaalada dalka aynu deriska nahay ee Somalia waxaanu Madaxweynuhu xusay in Somaliland lagu martiqaaday shirkaas si buuxda oo nidaam dawladeed ah isla markaana ay ku jeediyay khudbad ka turjumaysa dareenka iyo rabitaanka ummada Somaliland .

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay in Shirkaas lagu soo hadal qaaday wada hadal dhex mara Somaliland iyo Somalia mustaqbalka soo socda kaas oo aanu u aragno ayuu yidhi in Somaliland aanay ku biirayn Somalia laakiinse ay qadiyadeedu tahay sidii ay aqoonsi buuxa u heli lahayd isla markaana ay caalamka intiisa kale mar  walba u bandhigayaan Guulaha ay Somaliland Gaadhay iyo Himilooyinka u Qorshaysan.

Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland  Md, Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo) waxaa kale oo uu Xusay inay kulamo kala duwan la yeesheen duwal faro badan oo ka soo qayb galay shirkaas waxa uu Madaxweynuh intaas ku daray in natiijadii ka soo baxday Shirkaas ay wax badan ka bedeli doonto Saaxada Siyaasada Somaliland .

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu u mahadnaqay Jaaliyada Somaliland eek u dhaqan dalka Uk oo dareenkooda ku aadan jiritaanka Somaliland ku muujiyay banaan bax balaadhan oo ay sameeyeen 22 bishii hore kaas oo uu ku tilmaamay mid taariikhi ah oo ay weftigiisu kala qayb qaateen.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha dibada ee Somaliland Mudane Maxamed C.laahi Cumar oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa faahfaahiyay Shirar duceedyadii ay weftiga Madaxweynuhu Hogaaminayaa la qaateen wufuudii ka kala socotay Caalamka kuwaas oo ay ka mid yihiiin dawladaha Turkiga, Denmark, Holland, Siishalis isagoo intaas ku daray in dhawaan dalka ay iman doonaan wefti ka socda dalka Turkiga si ay u qiimeeyaan meelaha ay Somaliland ka gacan siin doonaan.

Wasiirka arrimaha dibadu waxa uu sheegay in dalka Turkigu uu Somaliland ku marti qaaday shir ay martigelin doonaaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland iyo Weftigiisa ayaa marka kadib waxaa loo soo galbiyay xarunta qasriga Madaxtooyada,.

Mudane Axmed Maxamed Maxamud {Siilaanyo} ayaa la arkay isagoo si kadiso ah uga dagay gaadhigii uu saarnaa meel u dhow guriga hay’ada Shaqaalaha dawlada waxaanu lug ku tagay Qasriga Madaxtooyada.

Madaxweynaha waxa maanta ku weheliyay soo guryo noqoshadiisa Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde iyo Wasiirka arrimaha dibadda Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar.

somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net