Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiyaha Kulmiye oo Shacbiga ku hambalyeeyey Gurashada Bisha Barakaysan ee Ramadaan

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa Shucuubta Muslimiinta gaar ahaan shacbiga Somaliland ku hambalyeeyey Curashada Bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu Shucuubta Muslimiinta gaar ahaan shacabka Somaliland ku hambalyeeyey Curashada Bisha barayskan ee Ramadaan oo caawa bilow ah, waxaau u rejeeyey caafimaad-qab iyo cimri-dherer inay ku gaadhaan sannadkan dambe.

muuse-iyo-siilaanyoSida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Afhayeenka madaxweynaha oo lagu shaaciyey dhambaalka hambalyada madaxweynaha, kaas oo u qornaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu Dhambaal Hambalyo ah u dirayaa Shacbiga Somaliland Meelkasta oo ay Joogaan dalka Guddihiisa & Dibediisaba, Bisha Barakaysan ee Ramadaan Awgeed, waxaanu ugu Bushaaraynaa Bisha Barakaysan ee Ramadaan oo Kowsatay caawa oo ay taariikhda Miilaadiga ahi tahay 29/06/2014, halka ay taariikhda Hijiriyada Islaamkuna ka tahay 01/09/1435.

Madaxweynuhu waxa uu ILLAAHAY uga Baryayaa inuu Sannadka Sanadkiisa Bash-Bash & Barwaaqo ku gaadhsiiyo bishan bisheeda ummadda Islaamka dhamaantood. Isaga oo dhambaalkan mid la mid ahna u Diraya Madaxweynuhu Shucuubta islaamka ee Caalamka ku nool guud ahaanba.

Sidoo kale waxa uu Bisha Barakaysan ee Ramadaan Awgeed ILLAAHAY uga barayayaa Bukaan jiifka ay Ramadaan ugu soo gashay iyaga oo aanu caafimaad koodu taam ahayn, awoodna aan u lahayn soonka ALLE inagu waajibiyey, in uu ka dulqaado xannuunka, intii dhimatay ee aan nasiibka u yeelan in ay innala qaatan farxadan qaaliga ah ee Bisha Ramadaana waxa uu Illaahay uga baryay danbi dhaaf iyo inuu Janatu Fardawsa ka waraabiyo,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Xisbiga Talada Dalka hoggaamiya ee Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi, waxa uu shacabka Somaliland iyo guud ahaan shucuubta Muslimiinta ah ku hambalyeeyey curashada bisha Barakaysan ee Ramadan.

Dhambal xambaarsan hambalyada Guddoomiyuhu munaasibadda kheyrka badan awgeed uu shacabka ugu diray, ayaa u qornaa sidan: “Anigoo (Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE) ku hadlaya magacayga, ka hoggaanka xisbiga, golaha dhexe, guddiga fulinta iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga waxaan hambalyo u dirayaa guud ahaan shucuubta Islaamka, gaar ahaan shacbiga Somaliland curashada bisha barakaysan ee Ramadaan awgeed.

Waxaan Alle inooga baryayaa inuu inaga yeelo kuwii khayrkeeda ka faa’iidaysta ee uu ka aqbalo,” ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi.

SOMALILANDPOST.NET