Madaxweyne Siilaanyo: Geesi Dalkiisa Jecel, Dadweynihiisuna ay Jecel Yihiin

Ragna guudka waysaga egyahay Goyne kala Roone
Ganbi-waranka Gaashaanka Ficil Goray Dagaalkeeda
Guddi murantay Waayeel Garramay Xaajo lagu Guulay
Gobanimo dhamaanteed hadii la isu wada Geeyo
Ma Gudboona Geesiga hanbta iyo Gocorka Caayaayee

                                                                  (Abwaan Salaan Carrabay)

Inkasta oo dal kasta oo dimuqraadi ah oo ka jira dunida ay had iyo goor murmaan, is dhaliilaan,  is xifaaleeyaan oo xataa marmarka qaarkood ay is dacaayadeeyaan Madaxda sare ee markaas talada haysa iyo xisbiyada mucaaridka ku ahi, hadana waxaa jira xuduudo aan la ogolayn in laga gudbo, dalkeenan Somaliland oo ah dal dimuqraadi ah oo ay ka jirto Xukuumad ay dadweynuhu  soo doorteen oo ku timi codka dadweynaha iyo waliba laba Xisbi mucaarid  oo iyaguna xisbiyo qaran ku noqday codka dadweynaha ayaa waxaa dhawaanahanba ka soo yeedhayay hogaamiyayaasha sare ee labada xisbi Mucaarid ee UCID iyo UDUB hadalo naxli huwan oo ka leexsan nidaamkii dawladnimo, aadna uga hoosaysay mustawihii laga filyay inay u dhaqmaan, iyaga oo masuuliyiintaas Mucaaridka ahi ay bilaabeen bilihii lasoo dhaafay inay Madaxweyne Siilaanyo kula kacaan erayo qarriban oo laf jab iyo karaamo darro ku ah Madaxweyne Qaran oo ay umaddiisu soo doortay, waxa masuuliyiinta xisbiyada mucaaridku  xataa ay isku dayeen inay shaki galiyaan hogaaminta Madaxweynaha iyaga oo fagaare kasta kaga hadlay hadalo naxli huwan oo  ahaa kicin dadweyne iyo xaalad abuur. Waxaa kale oo masuuliyiinta sare ee Xisbiyada  mucaaridka ahi ay isku dayeen inay dadweynaha ka dhaadhiciyaan in Madaxweyne Siilaanyo uu reer Somaliland ku wado godkii cadaabta ee Somaliweyn oo ay kasoo baxeen halgan dheer ka dib sanadkii 1991kii.

Iyada oo shaqada Xisbiyada mucaaridka ahi ay tahay  inay  ka doodaan, su’aalo weydiiyaan  xukuumada, bulshadana tusaan shaqada ay xukuumadu qabanayso, iyaga oo badka soo dhigaya hawlaha ay xukuumadu ka gaabiso gudashadooda., sidoo kale xisbiyada mucaaridku ay tahay inay u dhaqmaan sidii Dawlad suge ah oo kale taasoo doonaysa inay badasho xukuumada markaas jirta ,  isla markaasna soo bandhigaya siyaasadaha iyo barnaamujyada ay hayaan ee ay bulshada tusinayaan inay ka wanaagsan kuwa xukuumada, dawlada markaas jirtana waxaaa ku waajib  ah inay ka jawaabto waxa shaqadeeda ku saabsan ee ay mucaaridku waydiinayaan. Hase yeeshee shaqada mucaaridku maaha inay noqdaan fidno abuurayaal isku daya inay bulshada kala furfuraan, waxaana xaaraan ah inay bulshada u horseedaan burbur iyo fitno iyaga oo adeegsanaya erayo kala kaxaynaya midnimada iyo wada jirka bulshada, kuwaasoo hantaaqo ku keeni kara horumarka bulshada iyo nabadgelyada wadanka.

Ma Madaxweyne Siilaanyo ayaa Xamar inagu Wada?

Run ahaan eryada ka soo yeedhaya Xisbiyada Mucaaridka ahi waa qaar aan sal iyo raad toona lahayn, waxaanay ceeb iyo yasid ku yihiin garaadka iyo caqliga bulshada reer Somaliland oo ah ummad ilbax ah oo aqoon leh oo aan si yar loo siri karin, xisbiyada mucaaridka ahi waxay bulshada Somaliland ula dhaqmayaan sidii ay yihiin adhi ama xoolo kolba dhinac loo kaxayn karo,  suurto galna maaha in maanta bulshada looga been sheego Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo”  oo ah geesi halgan dheer oo taariikhi ah ummada reer Somaliland u soo galay, Mudane Siilaanyo oo aanay daruuri ahayn inaynu taariikhdiisa dahabiga ah halkan kusoo bandhigno, maadaama bulshada reer Somaliland ay ogsoon tahay, hadana waxaa xusid mudan in Madaxweyne Siilaanyo uu ahaa Geesi ka damqaday xasuuqii iyo cidhib tirkii lagu hayay umadiisa, isaga oo umadiisa ku hogaamiyay inay ka dhiidhiyaan oo ay iska xoreeyaan Taliskii haligmay ee Maxamed Siyaad Barre. Mudane Axmed Siilaanyo waa taariikh nool waana Gudoomiyaha kaliya ee maanta ka nool Gudoomiyayaashii SNM soo maray waxaana halgankiisii shariifka ahaa uu taariikhda Somaliland kaga xardhan yahay baal Dahab ah, Iyada oo Madaxweyne Siilaanyo uu ilaa maanto wali ku jiro halgankii umadiisa oo ay kow ka tahay sidii uu Qarankeena Aqoonsi buuxa ugu heli lahaa, halka kuwo badan oo maanta Madaxweyne Siilaanyo eedaynayaa ay ahaayeen qaar Muqdisho dhex fadhiyay markii uu Siilaanyo qoriga garabka ku sitay ee uu dalkiisa iyo sharafta umaddiisa xoraynayay,

Somali Weyn waa Tuma?

Waxay u muuqataa wakhti lumis in maanta laga hadlo Somali weyn, hadalada midnimo ay Somaliland iyo Somaliya wada yeeshaan ee beryahan danbe ay ku hadaaqayeen  kooxda muqdisho ku go’doonsan ee uu Sheekh Shariif hor joogaha u yahay ma aha wax qiimo leh, waana hadalo caalwaa ah iyaga oo aynu ognahay inay xabaalo dul fadhiyaan, , Sheekh Shariif iyo raiisal wasaarihihiisa oo Haan Booyadeed ku dhex dhuunta markay Muqdisho dhex marayaan, habeenkiina u hoyda Bohol dacaweed Villa Somalia uga dhex qodan  umay haboonayn inay carrabkooda dalabta leh kaga hadlaan Midnimo Somaliland dhex marta, hadalka Sheekh Shariifna kama duwana  hadaladii ay hore u sheegi jireen kuwii isaga ka horreeyay sida Cali Mahadi, Cabdiqaasim iyo Cabdilaahi Yuusuf oo dhamaantood ay daad xoortu qaaday maamulkoodii, meel ay jaan iyo cidhib dhigeena aan la arag, halka ay Somaliland ka sii xooggaysanayso kana sii horu marayso maalinba maalinta ka danbaysa, sheekh shariifna hadii uu Somaliland ula dhaqmo sidii ay u dhaqmeen kuwii isaga ka horreeyay waxaa hubaal ah in ay dabayshu ay qaadan doonto maalin aan fogayn, waxaana la gudboon in uu taariikh ka tago oo ku dhawaaqo Aqoonsiga Somaliland inta hayso fursada aadka u yar ee sii libdhaysa, Qaranka Jamhuuriyada Somalilandna waxaa la gudboon inay sii wadaan gargaarka ay u fidinayaan dadka baahan ee reer Somaliya.

Gacmo Geeljire Hoos Baa Loo Maydhaa!

Ugu danbayn Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Xukuumadaba waxaa looga baahan yahay inay u dhaqmaan si masuuliyadi ay ku jirto, kana gudbaan jaafaa-jiriqa iyo murankan madhalayska ah ee nusqaanta usoo jiidaya qaranimada iyo wada jirka Somaliland, waxaana lagama maarmaan ah in gacmaha la is qabsado loona hawl galo sidii qarankan Somaliland loogu heli lahaa aqoonsi buuxa, horumarna loo gaadhsiin lahaa dalkeena hooyo ee qaaliga ah.Shabiga reer Somaliland ee geesiyiinta ahna waxaa la gudboon inay ka hor yimaadaan cid kasta oo isku dayda inay kala qaybiso oo ay wiiqdo hanaankooda dawladnimo iyo xornimada ay maanta haystaan ee ay usoo mareen wadada dheer ee dhiigga leh

Kaysar Cabdilaahi
Bristol. UK
kaysar@europe.com