Madaxweyne Siilaanyo: “Cidna ka ogolaan mayno inay carqaladayso amniga iyo xasiloonida Somaliland”

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa sheegay inaanay dawladdiisu u dulqaadan doonin isla markaana aanay ogolaanayn cid kasta oo isku deyda tallaabo lagu carqadeeyo Amniga dalka.

Madaxweyne Siilaanyo oo maanta ka qayb galay munaasabad lagu xusayey maalinta caalamiga ah ee Xuquuqul insaanka oo ka dhacday Magaalada Hargaysa, ayaa farriin u diray shacabka Somaliland iyo Gudida Doorashooyinka qaranka, Hay’adaha xuquuqul insaanka Qarankana kula dardaarmay inay ilaaliyaan xuquuqda muwaadiniinta Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlayey doorashadii Golaha deegaanada ee dhowaan dalka ka qabsoontay ayaa waxa uu sheegay inay u dhacday si nabadgelyo ah laakiin waxa uu nasiib darro ku tilmaamay in natiijadii ka soo baxday uu dhaawac soo gaadhay, wuxuuna ku adkeeyey guddida doorashooyinka Qaranka in shacabka Somaliland iyaga ka sugayo natiijo saafi ah oo dhamaan lagu wada qanco. “Cidna ka ogolaan mayno inay carqaladayso amniga iyo xasiloonida Somaliland,”ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu munaasabadaasi ka sheegay in Somaliland ay qaadatay ilaalinta xuquuqda aadamaha, dawlad ahaana la sameeyey komishinka xuquuqul insaanka oo u xilsaaran maamulka iyo ilaalinta xuququuqda Aadamaha.

Dhinaca kale, madaxweyne Siilaanyo waxa uu tacsi tiiraanyo leh u diray dadkii ku waxyeeloobay shaqaaqadii ka dhacday Natiijadii Doorashada Degmada Hargeysa, waxaanu  shacabka Somaliland ugu baaqay inay ilaaliyaan nabadgelyada danta qarankana meel uga soo wada jeestaan.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net