Madaxweyne shir jaraa’id oo qarsoon Sheeko maaha ee shuuqsiga ka bax iyo sheeko baraleyda – W/Q: Cabdiraxmaan Bulshawi

DEskHoggaamiyaha kartida iyo hawlkarnimada leh waxaa ka mida Astaamihiisa, inuu bulshadiisa is hufan oo haboon ula hadlo xaaladkastoo dalku jiro Mid cakarin Mid horumarineed,iyo mida dalalka dariskiisa ah ka dhaxaysa bulshada wuxuu ugu soo gudmiyaa si madaxbanaan oo aanu udaba fadhiisan warbaahinta markaa dawladu gacanta ku hayso,

Tusaale waxaa inoogu filan hogaamiyayaashii Madaxweyne Siilaanyo Ka horeeyey dhamaantood weykaga wanaagsanaayeen xaga lahadalka bulshada iyo xidhiidhinta warbaahinta madaxabanaan mid Gudaha ah mid diba ahba,

Madaxweyne Siilaanyo dalka waxaa hadda uu xukumayay muddo ku siman Afar sano. Intaa uu dalku wuxuu soo maray Marxaladdo midkastaa xamilkeeda xaaladeeda lahayd waxaana aan kaw ka odhankarnaa Ciidamadii Jabhada ONLF ee ka dagaalanta dalka aynu dariska nahay ee ITOOBIYA, taas oo la odhankaro waxay wiiqday xidhiidhkii labada dal. Wadahadaladii Somaliland iyo Somaliya oo in wasiirro ka hadlaan mooyaane Madaxweyne Siilaanyo uuna marna Si waafi ah Shacabka ugu soo bandhigin waxaa uu kala kulmay iyo waxa uu ka rajaynayo, waxaa kaloona Hagaamiyaha dalku ka hadal dhibaatooyinkii ay sababeen Doorashooyinkii Golaha deegaanka ee dalka ka qabsoomay, kuwaas oo dadka shacabka ah fitno badan ka dhexriday. Siilaanyo waxaanu ilaa hada si madaxbanaan uga hadal khilaafka xisbiga kulmiye ee uu kasoo baxay oo aan odhan karno wuxuu kawsaday markii uu dalka madaxweyne ka noqday,

Maanta Muxuu la shiryimid?

Madaxweyne isagoo ah madaxweyne doorasho xora kuyimid ayuu wuxuu u hadlay sidii hogaamiyayaasha Tigtaytarada, halkii laga Sugayey in uu si man u marti qaado Warbaahinta guud ahaanteed ayuu Madaxweyne siilaanyo ka doorbiday warbaahinta dawladu maamusho in ka hadlo, intaas uun kumuu joogsan wuxuu yidhi tii madaxbanaanaydna ANAA ISKA DUUBEE II SOO DAAYA, wey ku mahadsanyihiin warbaahinta xorta ee ka xaragootey in wax uu siduu soono isaga duubo soo jacburiyaan,

Hadal iyo dhamaan Hogaamiyaheena waan aragnay Kartidiisa , cadaaladiisa caynka maamulkiisa iyo cilmiyada cusub iyo cibaarooyinka qarsoonaa ee uu lasoo baxay,

Maxaa inala gudboon?

Waxaynu kusoo koobi waxa inala gudboon Tixdii daalacan ee Abwaan Hadraawi

Umadyahay daryeelkaa

Isku duubnidaa iyo

Madax daacad noqotiyo

Adigiyo dedaalkaa

Dawadaadu waa taas

Dhan hadday ka debecdana

Gabbalkaa dam weeyaan

Ma dardaaranbaa hadhay?

Deexashada tusaalaha

Ama talada deeqda ah

Miyaad dood ka leedahay?

 

Cadbiraxmaan Cali-Nur Cabdi(bulshawi)

HARGEYSA, SOMALILAND

Email: bulshawi82@hotmail.com

0634407053