Hargeysa (SLpost)- Xildhibaannada Golaha Wakiillada ugu jira Axsaabta Mucaaradka, ayaa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyey xad-gudubyo ka dhan masuuliyadda ay qaranka u hayaan ku samaysay Waaxaha Garsoorka iyo Sharci-dejinta, isla markaana ay uga faa’idaysanayso danaheeda iyo rabitaankeeda siyaasadeed.
Xildhibaan Bashiir Tukaale oo ka tirsan Guddi-hoosaadka Garsoorka, Cadaaladda iyo Dastuurka ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa nasiib-darro ku tilmaamay in madaxweynaha Somaliland Xabsiga ku garo oo uu meel kaga dhaco Xuquuqdii ay ku lahayd saxaafadda madax-bannaan oo Sabab u ahayd inuu ku fadhiisto kursiga ugu sarreeya dalka ee uu loolanka ugu jiray.
HALKAN KA DHEGAYSO