Madaxweyne Siilaanyo Oo Taleex U Diray Wefti Ka Hawl-gala Shaqaaqadii Dhawaan Dhexmartay Dadka Deegaanka

Taleex, (SLP)-  Wefti uu hogaaminayo wasiirka khayraadka biyaha Somaliland Baashe Cali Jaamac oo ay ka mid yihiin guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex iyo xildhibaanno ka tirsan golaha wakiillada ayaa gaadhay deegaank Taleex.

Weftigan oo uu kusoo dhaweeyay magaalada Taleex guddoomiyaheeda Cabdirashiid Maxamed Axmed iyo saraakiisha ciidamada ee halkaas ku sugan.Taleex

Ugu horeyn waxa halkaas ka hadlay guddoomiyaha Deegaanka Taleex Cabdirashiid Maxamed Axmed waxaanu yidhi. “Mudane wasiir sida aad soo aragteen magaalada amnigeedu maanta gacanta ayuu ku jiraa, waananu idinku soo dhaweynaynaa.”

Waxa isna halkaas ka hadlay guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex, waxaana ka mid ahaa hadalladiisii. “Waanu idinku mahad-naqaynaa soo dhaweyntiisan mahadda koowaadna waxa iska leh ciidanka qaranka oo arrintan aanu u nimi odayaal ka ahaa oo gurmadkii u horeeyay u yimi.”

Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo isaguna ka mid ah weftiga Taleex gaadhay ayaa yidhi. “Odayaashaa Hargeysa ka yimi ayaanu nahay, waxaanu u soconaana waa wixii ciidanku nooga soo horeeyay oo ah in deegaankani uu noqdo deegaan nabdoon, waxaanan rajaynayaa inay wax weliba si hagaagsan ku dhamaadaan.”

Ugu dambayn waxa halkaas ka hadlay wasiirka wasaaradda khayraadk biyaha oo isagu weftiga hogaaminayay, waxaanu ka warramay ujeedada socdaalkooda. “Weftigan aan hogaaminayo waxa soo diray madaxweynaha Somaliland Md.  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), anagoo ah wasiirradii, xildhibaannadii iyo odayaashii deegaanka kasoo jeeday, madaxweynaha anagaa ka codsanay in ciidanka qaranku meesha tago, waxaanu u soconayna waxa weeye iyadoo dawladda Somaliland ka adkaysan kari wayday xaaladda ka jirta deegaanka, isla markaana inay xasilisaa waa xilkeeda.” ayuu  yidhi wasiirka biyuhu.

Somalilandpost.net