Madaxweyne Obama Oo Si Diiran U Qaabilay Pope Francis

US(SLpost)-Wadaadka ugu weyn diinta masiixiyadda ayaa Talaadadii shalay soo gaadhay dalka Maraykaka, isaga oo ka soo degay xerada ciidanka ee Andrews ee Washington, isaga oo ay ka hortageen madaxweynaha Marayanka Barack Obama, kuxigeenkiisa Joe Biden iyo labadooda xaas.

Ma aha markii ugu horeysay ee ay kulmaan madaxweyne Obama iyo Pope Francis, iyaga oo markii ugu dambeysay ay xarunta Vetican-ka, bishii March ee sanadkii 2014. Hase yeeshee waa markii ugu horeysay ee wadaadku uu cagta soo dhigto carrada Maraykanka.

Arbaca maanta ah ayaa madaxweyne Obama iyo Popeku ay ku kulmayaan Aqalka Cad, iyada oo soo dhaweyntii rasmiga ahayd loo sameynayo. Waxaa xafladda ka qeyb gali doona dad lagu qiyaasay 1500 oo qof.

 
Halkan Ka Daawo