Madaxweyne Muuse Biixi oo Shacabka ku hambalyeeyey Munaasibadda Ciidal-Fidriga

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Muse Biix Cabdi ayaa shacabka Somaliland iyo umadda Muslimka ah ku hambalyeeyay munaasibadda Ciidal-Fidriga oo maanta oo Sabti ah laga ciiday Somaliland iyo waddamo badan oo Muslim ah.

Dhambaal xambaarsan farriinta Hambalyada madaxweynaha oo ka soo baxay xafiiska yahay afhayeenka madaxtooyada Maxamuud Warsame Jaamac maanta, ayaa u qornaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu shacabka reer Somaliland iyo guud ahaanba ummadda Islaamka ku hambalyeeyey munaasibadda ciidal-fidriga ee sanadka Hijriyada Islaamka ee 1441.

Waxaanu Madaxweynuhu munaasibadda ciidul-fidriga awgeed hambalyo u dirayaa dhammaanba ummadda Islaamka meel ay joogaanba, gaar ahaan ummadda reer Somaliland, waxaanu Ilaahay inooga baryayaa inuu innaga aqbalo soonkii, ducadii iyo cibaadadii aynu bishan Ramadaan soo gudannay muslim ahaan, Ilaahayna inoo dambi-dhaafo, wixii dhibbana dhibta Alle ka dulqaado, xanuunkan aduunka sameeyey ee karoona-fayris-na innaga dulqaado culayskiisa.

Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu, ummadda reer Somaliland u rajeeyey inay sanadkan sanadkiisa ku gaadhaan barwaaqo, kana midho dhaliyaan hiigsigooda dhinaca horumarka ee ay ku jireen, nimcadana khayrkeeda inna siiyo, nabad iyo caano, colaad la’aan, caydh la’aan iyo cudur la’aana Ilaahay inaga yeelo, Ilaahay idankiina bishan bisheeda aynu ku gaadhno innaga oo halkan aynu joogno meel ka fiican joogna.

Ugu danbaynna, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa guud ahaan shucuubta Islaamka ee ku dhaqan dunida dacaladeeda.”

In kasta oo waddamo Somaliland ku jirto maanta laga ciiday, haddana inta badan dalalka Islaamka ah ee caalamka, ayaa dhammaystay 30-ka maalmood ee bisha Ramadaan oo maanta ku ekaa, waxaana maalinta berri oo Axad ah laga ciidayaa waddamadaas oo uu ugu horreeyo dalka Sucuudi Carabiya. Boqor Salman oo hadal uu maanta u jeediyey shacabka dalkaas iyo umadda Islaamka ah ku hambaleeyey munaasibadda Ciidda, isagoo dhanka kale shacabka u jeediyey inay xoogga saaraan ilaalinta Caafimaadkooda xaaladda Caabuqa Coronavirus oo ku sii banaya boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Waddamada Kale ee maalinta Berri laga ciidayo waxa ka mid ah Imaaraadka Carabta, Qadar, Urdun, Masar, Turkey, Pakistan, Indonesia, Malaysia, Ciraaq iyo Qaar kale oo badan.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net