Madaxweyne Muuse Biixi oo Shaaciyey inaanu mar Dambe Isu soo Sharrixi doonin Guddoomiyenimada Kulmiye

 

Hageysa (SLpost)- Shirweynaha 4aad ee Xisbiga Kulmiye oo maalintii 2aad galay, ayaa maanta lagu doortay hoggaanka Sare ee Shanta Sanno ee soo socota hoggaamin doonta, kuwaas oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga.

Guddoomiyaha Xisbiga oo uu isu soo taagay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo aanay cidina isla sharraxin, ayaa halkaas loogu doortay Shanta Sanno ee soo socota. Waxa kale oo dib loo doortay guddoomiye ku-xigeennada 1aad, 2aad iyo 3aad oo aanay cidin isla soo sharrixin, kuwaas oo kala wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Axmed Cabdi Dheere iyo Xuseen Aadan Cadde. Booska guddoomiye ku-xigeenka 4aad oo uu iska casilay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo tartankiisa ka tanaasulay, ayaa loo doortay wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershada Maxamuud Maxamed Xasan Sacad (Saajin).

Haddaba, Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeediyey shirka, ayaa ergada uga mahad-celiyey kalsoonida ay u muujiyeen inuu shanta sanno ee soo socota sii hayo xilka guddoomiyaha Xisbiga oo markii labaad loo doortay, waxaanu halkaas ka shaaciyey inaanu mar kale isu soo sharrixi doonin guddoomiyenimada xisbiga marka ay dhammaato shanta sanno ee maanta loo cumaamaday.

Muuqaalka Hoose ka daawo hadalka uu Madaxweynuhu ka jeediyey halkaas.