Madaxweyne Muuse Biixi oo magacaabay Wakiilka Somaliland ee Kenya

madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.jpg

Hargeysa (SLpost)- Madaxeynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa wareegto uu maanta soo saaray ku magacaabay Wakiilka JSL ee dalka Kenya kaddib markii uu booskaas banneeyey Wakiilkii hore Danjire Baashe Cawil oo madaxweynuhu xil kale u magacaabay.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed lagu baahiyey wareegtada madaxweynaha oo ka soo baxay madaxtooyada Somaliland maanta, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu xilka Safiirka Somaliland ee Kenya u magacaabay Maxamed Axmed Maxamuud Diiriye oo ah aqoon yahan in muddo ah ku soo jiray hawlaha ururrada Bulshada Rayidka ah.

madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.jpg

Safiirkii hore ee Somaliland u fadhiyey Kenya Danjire Baashe Cawil, ayaa ka cudur-daartay inuu qabto xilka Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo madaxweyne Muuse Biixi u magacaabay horaantii bishii September ee sannadkan oo madaxweynuhu isku-shaandheyn sal-ballaadhan ku sameeyey Golihiisa Xukuumadda.

Dhinaca kale, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa isla maanta xilka ka qaaday Guddoomiye ku-xigeenkii Gobolka Sool Saleebaan Diiriye Cabdi, waxaanu madaxeynuhu xilka guddoomiye ku-xigeenka gobolka Sool u magacaabay Maxamed Aadan Cumar Maxamed.

Xil ka-qaadista lagu sameeyey Guddoomiye ku-xigeenkii gobolka Sool, ayaa ku soo beegmaysa toddobaad kaddib markii uu madaxweyne Muuse Biixi Isku beddelay guddoomiyihii gobolkaas Cabdiqani Maxamuud Jiidhe iyo Guddoomiyihii gobolka Gabiley Cabdikariim Aadan Xaaji Diiriye oo hadda ah Badhasaabka gobolka Sool.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net