Madaxweyne Muuse Biixi oo Magacaabay Guddiga Qaban-qaabada Aaska Marxuum Cumar Carte Qaalib

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa magacaabay Guddi heer Qaran ah oo uu u xil-saaray qaban-qaabada Aaska Marxuum Cumar Carte Qaalib oo galabta ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa wareegto uu fiidnimada Caawa soo saaray, waxa uu magacaabay Guddi Heer Qaran ah oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), kuwaas oo uu u xil-saaray Qaban-qaabada Aas Qaran oo loo maalinta Berri ah loo samaynayo Marxuum Cumar Carte Qaalib.

Madaxweynaha Somaliland

Guddiga heer Qaran ee madaxweynuhu magacaabay, ayaa ka kooban 8 xubnood oo kala ah Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhigga, Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka, Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex iyo Duqa Caasimadda Hargeysa

Madaxweynaha ayaa wareegtadiisa oo uu ku socodsiiyey masuuliyiinta kor ku xusan ee uu qaban-qaabada hawshan u magacaabay, waxa uu ku yidhi, “Waxa magaalada Hargeysa ku geeriyooday Marxuum Cumar Carte Qaalib oo ahaa aqoonyahan weyn iyo siyaasi rug-caddaa ah, isla markaana Xilka Madaxweynenimo ee Jamhuuriyadda Somaliland kula loolamay Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal shir-weynihii Boorama 1993, sidoo kale xilal kala duwan oo uu ugu weyn yahay Xilka Ra’iisal Wasaare ka soo qabtay Jamhuuriyaddii duntay ee labada dal ku midoobeen ee Somali Republic.”

“Sidaa darteed, waxaan idiin magacaabay in aad noqotaan Guddiga Diyaarinta Aaska Qaran ee loo samaynayo Marxuum Cumar Carte Qaalib.” Sidaas ayuu yidhi Md Muuse Biixi ku yidhi Wareegatada uu guddiga Qaran ugu magacaabay qaban-qaabada Aaska Marxuum Cumar Carte Qaalib.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net