Madaxweyne Muuse Biixi oo Kulankiisii ugu horreeyey la Yeeshay Xubnaha Golaha Wasiirrada Iyo Nuxurka Toddoba Qodob oo Kasoo Baxay

Hargeysa (SLpost)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulankiisii ugu horreeyey la qaatay xubnaha golaha wasiirrada ee uu dhawaan ku magacaabay.
Kulankan oo ka dhacay xarunta qasriga madaxtooyada Somaliland maanta, ayaa waxa shir-guddoominayey madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxana ka qaybgalay 31-xubnood oo kamid ah 32-ka xubnood ee golaha wasiirrada cusubi ka kooban yahay, iyada oo madaxweynuhuna madasha ka sheegay in hiigsiga iyo himilada xukuumadda cusub uu saldhig u yahay ballan-qaadyadii iyo Barnaamijyadii uu xisbigu ku galay doorashadii dhawaan dalka ka qabsoontay iyo qorshaha horumarinta qaranka ee labaad (SNP Two).
FB_IMG_1513426891353Kulankan oo muddo saacado ah qaatay, ayuu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi si gaar ah ugu dheeraaday muhiimadda ay leedahay muwaadin-nimada iyo wada-jirka umaddu, isaga oo golaha faray in juhdi iyo dedaal midaysan loo galo sidii bulshada loo midayn lahaa, loogana cidhib-tiri lahaa xanaftii ka dhalatay tartankii ololaha doorashada.
Qodobbo Toddoba ah, ayaa ugu dambayntii laga soo saaray kulanka uu madaxweynuhu la yeeshay xubnaha golaha wasiirrada ee cusub, waxana ay qoddobadaasi u dhignaayeen sidatan:

1.Waxa dhammaan xubnaha golaha wasiirada lagu dhaariyey inay ilaaliyaan sirta golaha iyo ta qarankaba.
2.In golaha wasiirradu ay diiwaangeliyaan dhammaan hantidooda (guurtada iyo ma guurtadaba).
3.In dhammaan golaha wasiirradu ay keenaan xogta shakhsiga ah ee sharcigu waajibiyey ee looga baahan yahay oo dhammaystiran.
4.In la qabto kulanno joogto ah oo la xidhiidha qaabka wada-shaqaynta iyo xoojinta shaqada ay wasiirradu qaranka u hayaan.
5. In dhammaan gobollada dalku ay u sinnaadaan caddaaladda iyo horumarka.
6.Maadaama oo ay wasiirradu yihiin masuuliyiinta qaranka, loona igmaday xil qaran waa inaan loo arkin wasiir qolo, mid qoys iyo mid qabiil toonna, sidaas darteedna ay reebban tahay in wasiirradu ay ka qaybgalaan casuumado beelaysan oo wasiirka ay beeshiisu si goonni ah ugu maamuusayso.
7. In xafladaha xil-wareejinta ee masuuliyiinta cusubi ay xilalka kagala wareegayaan masuuliyiinta xukuumaddii hore ay reeban tahay in lagu qabto meel ka baxsan xarumaha dawladda.