Madaxweyne Muuse Biixi oo Kulan Mahadnaq ah La Qaatay Wakiillo Kamid ah Guddiyadii Ololaha KULMIYE ee Gobollada Dalka

Hargeysa(SLpost)-Madaxweynaha cusub ee shacabka reer Somaliland dhawaan doorteen Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan ballaadhan oo mahadnaq ah la qaatay wakiillo kamid ah guddiyadii ololaha xisbiga KULMIYE ee gobollada dalka Somaliland.
FB_IMG_1511604243329Kulankan oo xarunta ololaha xisbiga KULMIYE ka qabsoomay maanta, ayuu madaxweynuhu mahadnaq ballaadhan ugu jeediyey guddiyadii ololaha KULMIYE ee gobollada kala duwan ee dalka ka hawlgashay waqtiyadii ololaha doorashada lagu jirey, waxana si weyn u ammaanay doorkii ay guddi ahaan kasoo qaateen hawshaas ballaadhan ee qaranku soo maray.
Xubno ku hadlay magaca guddiyada ololaha xisbiga KULMIYE oo halkaas ka hadlay, ayaa si xeel-dheer u sharraxay tallaabooyinkii xisbiga guusha usoo hooyey ee ay qaadeen waqtigii ololaha, waxana ay u mahadceliyeen shacabweynihii reer Somaliland ee codkooda la garab galay xisbiga KULMIYE.
FB_IMG_1511604156662Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulanka uu la qaatay xubnaha guddida ololaha xisbiga oo wakiillo ka ahaa dhammaanba guddiyadii ololaha ee gobollada dalka waxa uu ku bogaadiyey sidii naf-hurnimada lahayd ee ay uga qayb-qaateen guushii xisbiga KULMIYE kasoo hooyey doorashadii madaxweynenimo ee dalka ka qabsoontay, waxana uu ku dhiirrigeliyey inay sii xoojiyaan sidii xukuumadda cusub ee dhawaan la dhisi doono, xisbiga iyo shacabkuba u wada yeelan lahaayeen xidhiidh fiican oo joogto ah.
FB_IMG_1511604207338Madaxweynuhu waxa uu sheegay inuu si degdeg ah u hirgelin doono ballamihii ay guddi ahaan iyaga oo ka wakiillo ka ah murrashaxiinta xisbiga u gudbiyeen shacabka, isla markaana uu caddaalad iyo sinnaan guud ahaanba shacabka reer Somaliland.
Sidoo kale waxa uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi xubnaha wakiillada ka ah guddiyada ololaha xisbiga u sheegay inaanu marnaba talada ka goosan doonin xisbigiisa KULMIYE, isla markaana wixii talo iyo tusaaleba ah mar walba uga marti yahay.

FB_IMG_1511604228645