Madaxweyne Muuse Biixi oo Isniinta toddobaadkan hortagaya Goleyaasha Baarlamaanka Somaliland

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa maalinta Isniinta ee toddobaadkan hortagi doona Golaha Baarlamaanka Somaliland oo ka kooban Goleyaasha Guurtida iyo Wakiillada.

Madaxweyne Muuse Biixi oo khudbad u jeedinaya fadhi wada-jir ah oo ay isugu yimaaddeen Goleyaasha Guurtida iyo Wakiillada sannadkii March 2020-kii.

Md Muuse Biixi waxa uu khudbad-sannadeedkiisa dastuuriga ah ka jeedin doonaa fadhi wada-jir ah oo ay maalinta Isniinta ah isugu iman doonaan Goleyaasha Guurtida iyo Wakiillada, sida uu maanta sheegay Guddoomiyaha Golaha Guurtida oo la hadlayey mudaneyaasha golaha.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md Saleebaan Maxamuud Aadan, waxa uu ku war-geliyey mudaneyaasha in madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi uu khudbad sannadeedkiisa ka horjeedin doono Goleyaasha Xeer dejinta ee dalka.

Khudbad-sannadeedka Madaxweyne Muuse Biixi ayaa noqonaysa tii Afraad ee uu ka horjeediyo Goleyaasha Baarlamaanka Somaliland tan iyo markii uu ku guulaystay hoggaaminta talada dalka bishii November 2017-kii.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net