Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa isku-beddel iyo Magacaabis cusub ku sameeyey qaar ka tirsan masuuliyiinta Xukumaddiisa.
Wakiilkii Somaliland u fadhiyey dalka Imaaraadka Baashe Cawil, ayaa loo beddelay inuu noqdo wakiilka Somaliland ee dalka Kenya. Halka beddelkiisa uu u magacaabay masuul cusub. Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu masuul cusub u magacaabay Wakiilka Dalka Maraykanka, isagoo wakiilkii hore ee dalkaas Rashiid Garuf uga mahadceliyey muddadii uu xilkaas hayay.
Sidoo kale, waxa uu Md Biixi magacaabay Maareeyaha Haamaha Keydka Shidaalka oo uu u magacaabay Agaasimihii hay’adda Waxbarashada Afrika ee AET (Africa Educational Trust) Hassan Embassy.
Warsaxaafadeed lagu shaaciyey digreetada madaxweynaha, ayaa u qornaa sidan:-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-179/082018, uu maanta ku magacaabay masuuliyiin cusub.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi:
Waxaan Go’aamiyey;
In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiintan:
Tir | Magaca | Xilka |
1. | Baashe Cawil Cumar | Wakiilka Somaliland ee Dalka Kenya |
2. | Xasan Hirad Yaasiin | Wakiilka Somaliland ee Dalka Imaaraadka Carabta |
3. | Bashiir Sheekh Cumar Good | Wakiilka Somaliland ee Dalka Maraykanka |
4. | Cabdillaahi Cabdi Cali (Dhakaar) | Ergayga Gaarka ah ee Somaliland u qaabilsan Urur Goboleedka Horumarinta iyo Xidhiidhka Bulshada Bariga Afrika (EAC) |
5. | Xasan Axmed Ibraahin (Embassy) | Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka Qaranka |
Waxaan uga mahadcelinayaa muddadii uu hayey xilka Qaranka Wakiilkii hore ee Somaliland u fadhiyey Dalka Maraykanka Mudane, Rashiid Maxamed Nuur (Gaaruf).
[
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland